Milicsiga Buugga Baadi-goobkii Nabadda Geeska (Qaybtii saddexaad)

W.Q. Cabdiraxmaan Shiikhdoon

abdirahman.sh.ali@gmail.com

Hordhac Buugga

Baadi-Goobka Nabada Geeska, waa buug dhigaal taariikheed ah, oo uu dhowaan qoray Danjire Maxamed Cabdi Afey. Buuggu waxa uu ka faaloonayaa shaqadadii uu Danjire Afey soo qabtay muddo ku dhow labaatan sanno. Buuggu waxa uu daboolka ka rogayaa dadaalkii loo soo maray dawlad-dhiska Soomaaliya iyo dabino badan oo loo qoolay. Qaybtaan waxa aan ku soo qaadanaynaa dhacdooyinka uu qoruhu kaga hadlayo kacdoonkii maxkamadaha, kulankii Sh. Xasan Daahir iyo Afey, sahankii keenista ciidamada shisheeye, shirkii Khartuum ee wadahadalada dawlada Soomaaliya iyo maxkamadaha, diyaaradii luntay ee ka degtay Nayroobi, maxkamadaha oo ka baxay Muqdisho iyo qabashadii Sh. Shariif. Kacdoonkii Maxkamadaha Islaamiga ah.

Qoruhu waxa uu qorey in kacdoonka maxkamaduhu uu ka dhaqashay dhibaatadii ka jiray magaalada Muqdisho ee dilka, dhaca, kufsiga iyo boobka lahayd. Dhammaadkii sannadkii 2005tii waxa magaalada Muqdisho ka hirgalay maxkamado qabiil ku dhisan, kuwaas oo ay hogaaminayeen dhalinyaro ku soo tababaratay Afkaanistaan. Maxkamaduhu shaqada waxa ay ka bilaabeen meel hoose, waxa ayna ahaayeen kuwo loo bogay hawsha ay qabteen. Dawlada oo joogtay Baydhabo cabsi weyn ayey ka qabtay, sdioo kale maxkamaduhu waxa ay u arkeen dawlada mid dano shisheeye laga leeyahay.

Arrinta maxkamadaha waxa ay xoogaysatay, 18-kii bishii Feebaraayo sannadkii 2006-dii markii hogaamiyaal kooxeedyadii ka tirsanaa dawlada ay samaysteen ururka la-dagaalanka argigixisada, oo uu Maraykanku taageerayey. Qoruhu waxa uu tilmaamay in ay layaab ahayd in ninankii u dhaartay dawlada Soomaaliya ay samaysteen urur u adeega dano shisheeye, taas oo wax u dhintay dadaalkii dawlad dhiska. Waxa ay bilaabeen uraagsi iyo qabqabasho culimo iyo xubno lagu tuhmayey inay ka tirsan yihiin markamadaha, kuwaas oo la geeyey dalka Jabuuti si baaritaan loogu sameeyo, ka dibna qaar ka mid ah dadkii la qabtay loo gudbiyey xabsiga Goontinaamo Baay. Arrintaasi waxa ay keentay in ganacsatadii iyo waxgaradkii ay taageero xoogan siiyaan maxkamadaha oo bilaabay iska caabin, ka dib markii ay yeesheen awood aan la filayn. Qoruhu waxa uu qorey in dawlada Maraykanka markii ay aragtay in ay xoogga maxkamadaha ay ku jiraan kooxo mayal-adag ay dawlada Itoobiya u xilsaartay in ay kala shaqayso la-dagaalanka argigixisada ee geeska Afrika, iyada oo dhaqaale badan ku bixisay.

Waxaa midoobay maxkamadihii ka jiray Muqdisho, kuwaas oo hogaamiye kooxeedyada ka saaray magaalada Muqdisho, sidoo kale, waxa ay guddoomiyaha guddiga fulinta u doorteen Sh. Shariif, halka guddoomiyaha gollaha shuurada loo doortay Sh. Xasan Daahir. Maxkamaduhu wax ay fureen garoonkii iyo dekadii Muqdishoo oo dhowr iyo toban sanno xirnaa, waxa ayna soo celiyeen amniga iyo isku furnaanta magaalada. Raggii xagjirka ahaa waxa ay bilaabeen in ay muujiyaan awoodooda, waxa ayna soo rogeen sharciyo, sida in la xiro shaneemooyinka, xijaabka dumarka, joojinta qaadka iyo kuwo kale. Arritaas waxaa ka dhashay kala qaybsanaan odayaashii maxkamadaha aasaasay iyo dhalinyaradii xag-jirka ahayd. Sidoo kale waxaa loo kala jabay labo garab oo mid uu doonayey in dawlada lala heshiiyo iyo mid ka soo hor jeeday. Dunidu waxa ay kala saari weyday dhinacyada ku midaysan maxkamadaha. Arrin cabsi ah ayaa Kenya uga timi diyaaradaha ka soo baxaya garoonka Muqdisho oo aan xilligisaas lahayn awood maamul iyo sugiga amniga, oo waxaa laga helay hub dad ka soo duulay Muqdisho oo tegay Nayroobi. Guddi ay Kenya u xilsaartay oo uu ka mid ahaa Danjire Afey waxa ay garaan in garoonka Wajeer lagu baaro diyaaradaha ka imanaya Muqdisho muddo lix bilood ah.

Kulankii Afey iyo Sh. Xasan Daahir

Kulankan waxa uu dhacay ka hor inta aysan midoobin maxkamaduhu. Wafti ka socda dawlada Kenya oo uu ka mid yahay wasiir-ku-xigeenka arriamaha dibada iyo Afey ayaa tegay Muqdisho bishii Maarso 2006-dii, si ay xog uga helaan xoogaga maxkamadaha iyo si ay wasiiradii joogay magaalada Muqdisho ugu qanciyaan in ay Baydhabo tagaan. Sh. Xasan Daahir oo xubin firfircoon ka ahaa maxkamadaha ayaa ku booqday waftigii Kenay hoteelkii ay ka deganaayeen magaalada Muqdisho. Xasan Daahir si wanaagsan ayuu u saamay Danjire Afey, oo isaga oo gacanta ku haysa Afey ayuu si kaftan u yiri: “Ninkaan dheer, alaylehe in aad Ugaadeen tahay”. Danjire Afey waxa uu sheegay in aysan aqoon hore isku lahayn Sh. Xasan Daahir, laakiin uu si gubonimo leh u soo dhoweeyey. Xasan waxa uu bilaabay in uu ka hadalo siyaasadda oo waxa uu yiri: ”Dawlada Kenya wax kama sheeganayno, wax dhibaato ahna naguma hayso, … ee waxa dagaal taariikhi ah nagula jira waa dawlada Itoobiya…”, Siduu uu amaanta Kenya u waday ayuu haddana is bedelay oo yiri: ”Laakiin idinka (Kenya) iyo Itoobiya iskaashi siyaasadeed ayaa idinka dhexeeya, annagu dalkayaga ayaan dawlad u rabnaa, dad islaam ah baan nahay, sida keliya ee lagu xukumi karan waa kitaabka Alle, … kuwa (dawlada) Baydhabo idiin jooga, shaqo kuma lehin, raalina kama ahin, … Anagu (maxkamadaha) dawalad ahaan ayaan idiinla shaqaynaynaa, … shirweyne ayaan qabanaynaa oo aan Soomaali oo dhan isugu keeno”. Afey waxa uu u tarjumayey wasiirkii la socday hadalka Xasan Daahir.

Waxa loo sheegay waftigii Kenya, in maxkamaduhu qabtaan dhammaan adeegyada bulshada, waxaana la geeyey dugsi (school) u dhowaa halkii ay deganaayeen. Danjire Afey waxa uu sheegay in ay makamadaha ka muuqatay in aysan u baahnay dawlad maamusha dalka, oo ay ku qanacsanaayeen adeegyada ay dadku qabsadeen, taas oo uu ku tilmaamay khatar weyn oo dul hoganaysay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Sahankii Keenista Ciidamada ee Soomaaliya

Maxkamadaha oo is balaariyey, ka dib markii ay si buuxda ula wareegeen Muqdisho, ayaa muujiyay in ay khatar ku yihiin dawladda oo Baydhabo joogtay. Arrintaas waxa ay dhalisay in bishii May 2006-dii shir ka dhacay Addis Ababa oo ay yeesheen, IGAD, dawlada Soomaaliya, iyo beesha caalamka ay go’aan ku gaareen in Qaramada Midoobay ay soo saaraan qaraar ah in ciidamo la geeyo Soomaaliya, ka dib markii ay dawlada Soomaaliya dalbatay in ay u baahan yihiin ciidamo nabada kala shaqeeya. In ciidamo la geeyo Soomaali waxa ay u baahatay in shacabka afti laga qaado. Bishii June 2006, ayaa wafti uu hogaaminayey Danjire Afey oo ka koobnaa IGAD, Jaamacada Carabta, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo ergayga Qaramada Midowbay u qaabilsan Soomaaliya safar ku tageen magaalooyinka Baydho, Kismaayo, Gaalkacyo iyo Garoowe, iyagoo la shiray dawlada, maamuladii jiray xilligaas (Puntland) iyo bulshada rayidka ah ay oo wax laga weydiiyeen keenista ciidamo shisheeye. Arrintaas oo ay dhammaantood soo wada dhoweeyeem, in kasta oo Bare Hiiraale oo dawlada wasiir ka ahaa, kana talinayay Kismaayo uu keenista ciidamada ku xiray in ciidamada la keenayo Soomaaliya aysan ku jiran ciidamo ka socda dalalka Soomaaliya xuduudda la leh. Waftigu waxa kale oo ay isweydiiyeen in Mugdisho la tago, hase-yeeshee, arritaas waa lagu kala qaybsamay. Cabdullaahi Yuusuf waa uu ku farxay markii loo sheegay in magaalooyinkii uu waftigu tagay laga soo dhoweeyey keenista ciidamada, waxase uu diidanaa in lala kulmo midowga maxkamadaha, iyada oo ay dawladu u aragtay in la kulanka midowga maxkamaduhu uu aqoonsi siinayo.

Waftiga ayaa si gaar ah uga shiray safarka Muqdisho, waxaana Danjire Afey loo xisaaray in uu xiriir la sameeyo midowga maxkamadaha, isaga oo la xiriiray Dr. Ibraahim Cadow oo maxkamadaha u qaabilsanaa arrimaha dibada. Dr. Cadow waxa uu soo dhoweeyay imaatinka waftiga, waxase uu codsaday in uu wargeli Sh. Shariif oo ahaa guddoomiya golaha fulinta, oo isna soo dhoweeyey imaatinka waftiga, hase yeeshee ku xiray in aysan wafti qayb ka noqon Itoobiya. Afey waxa uu u sheegay midowga maxkamadaha in aysan suurogal ahayn in laga soo tago saddex ergay (Safiir Cabdicasiis Axmed, Gabre iyo Shewle) oo Itoobiya ka socotay, madaama ay ka mid yihiin IGAD. Sh. Shariif si bareer ah ayuu u yiri: “Haddii ay Itoobiya idin soo raacdo, ma damaanad qaadi karno amnigeeda, oo dadka Muqdisho jooga ayaa diidan”. Waftigii ayaa loo sheegay in ay midowga maxkamaduhu soo dhoweeyeen imaatinka waftiga, iyaga oo aan loo sheegin shardiga ay ku xireen. Itoobiya oo horeyba u diidanay in Muqdisho la tago ayaa Gabre waxa uu yiri: ”Safiir, meesha waxa ka socda waa ognahay, haddii aad rabtaan in aad Muqdisho tagtaan, waftiga ka socda Itoobiya idin raacimayo”. Danjire Afey waxa uu ku farxay warka uu Gabre sheegay, sababta oo ah waxa uu ogaa shardiga lagu xiray.

7-dii Juun 2006-dii ayaa waftigii magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay maxdaxda Midowga Maxkamadaha oo ay ka mid aheeyeen Sh. Shariif, Sh. Xasan Daahir, Dr. Cadow, Axmed Madoobe, Indha Cade, Sh. Janqow, Sh. Cumar Iimaan, iyo Sh. Roobow. Xasan Sh. Maxamuud ayaa ka socday bulshada rayadka ah oo ka qayb galay shirka. Shirka waxa kale oo joogay Prof. Cabdi Ismaaciil iyo Gen. Galaal. Danjire Afey oo hadalka furay ayaa si kooban u sheegay fariin ahayd in maxkamdaha laga rabo in ay soo dhoweeyaan dawlada la dhisay ee ay dunidu aqoonsan tahay si ay Muqdisho ugu shaqayso. Waxa kale oo uu sheegay in ay dawladu codsatay in dalka la keeno ciidamo shisheeye, oo la rabo in maxkamaduhu ka talo bixiyaan. Sh. Shariif oo ka mahad celiyey in laga soo tegay waftigii itoobiya ayaa yiri: ”Annagu dawlada aad sheegaysaan ma aqoonsanin, waa dawlad shisheeye soo dhisay, oo aysan Soomaali lahayn, hogaankeeduna waa xun yahay, … warkeeda naga daaya, haddii aad dawlad rabtaan annagaa ah ee na aqoonsada, oo na caawiya, oo wadanka aan dhisno, waxaad noo qorshaysan in aan qabano shirweyne aan dawlad ku dhisno. Ciidan shisheeye in Soomaaliya la keeno, ma aha wax marnaba suurogal ah, ciidankii Soomaaliya waa kuwaas meesha fadhiya-inta farta ku fiiqay Gen. Galaal iyo saraakiil kale oo shirka joogtay”. Xasan Sh. Maxamuud oo ka socday bulshada rayadka ah ayaa yiri: “Magaaladu waa nabad, nimankaan (maxkamadaha) magaalada way hagaajiyeen, dalku dib-uheshiisiin ayuu u baahan yahay, ciidan shisheeye looma baahna”. Gen. Galaal ayaa sheegay in la joojiyo ciidamada lala ordayo, ee ciidanka dalka oo kala daadsan uu u baahan yahay in xeryahoodii laysugu keeno iyo in la mideeyo dawlada iyo maxkamadaha ama in maxkamadaha la aqoonsado.

Danjiraha Midowga Afrika, Safiirka Jaamacada Carabta, Safiirka Midowga Yurub iyo Safiirka Yemen ayaa sidoo kale iyana gudbiyey fariintii uu waftigu siday. Qaramda Midoobay ayaa soo saartay qaraar Soomaaliya lagu keenayo ciidamo shisheeye, ka dib markii uu waftigu u gudbiyey warbixintiisa.

Shirkii Khartuum

Qoruhu waxa uu sheegay in Sh. Shariif safiirka Suudaan ee Soomaaliya ka dalbaday in madaxweynaha Sudaan (Al-Bashiir) oo ahaa guddoomiyaha Jaamacada Carabta, sidoo kalena xubin ka ah IGAD uu qaato kaalinta dhexdhexaadinta maxkamadaha iyo dawlada, maadaama aysan aamini karin dawladaha kale in ay arrintaas dhexdhexaad ka noqdaan. Al-Bashiir oo aqbalay arrintaas ayaa marti qaaday Sh. Shariif. Al-Bashiir waxa uu u sheegay Sh. Shariif in ay Suudaan aqoonsan tahay dawlada Soomaaliya, ayna doonayaan in maxkamaduhu la heshiiyaan. Sidoo kale, Al-Bashiir waxa uu la xiriiray dawlada oo iyana aqbashay wada-hadalka. 22-kii Juun 2006, ayey labada dhinac ku kulmeen magaalada Kharduun, shirkaas oo ay Jaamacada Carabtu dadaal badan ku bixisay in ay heshiiyaan labada dhinac. Shirkaasi waxa uu ku dhammaaday niyad wanaag, waxaana looga heshiiyey shir kale. Maxkamadaha oo is balaarin sameeyey ayaa mudi geliyey qabsoomida shirka labaad. Danjire Afey waxa uu kula taliyey Kibaki in la casumo midowga maxkamadaha. Horaantii bishii Agoosto 2006, ayaa casimaad rasmi ah loo diray maxkamadaha, iyaga oo laga codsaday in ay soo diraan magacyada xubnaha wafdiga. Sh. Xasan Daahir ayaa la soo xiriiray Danjire Afey oo weydiiyey in haddii uu soo raaco waftiga, uu amaankiisa damaanad qaadi karo, hase yeeshee Afey waxa uu u sheegay in uusan damaan qaadi karin. Xubanaha waftiga maxkamada ee Nayroobi tegay waxaa ka mid ahaa Sh. Shariif, Daahir Geele, Dr. Cadow, iyo Janaqow. Waftigu waxa uu kulamo la yeeshay dawlada Kenya iyo diblumaasiyiin kale. Maxkamaduhu waxa ay Kenya ka diideen taladii ahayd in ciidamo la keeno Soomaliya, hase yeeshee waxa ay ka aqbaleen in ay ka soo qayb-galaan shirka labaad ee Khartuum.

Maxkamaduhu waxa ay sii wadeen is balaarin oo waxa ay qabsadeen magaalada Kismaayo, sidoo kale waxa ay u soo dhowaadeen magaalada Baydhabo oo xarun u ahayd dawlada, taas oo sababtay in dagaalo goos goos ah uu dhex maro maxkamadaha iyo dawlada. Arrintaasi waxa ay khalkhal ku riday dawladii. Dhammaadkii Agoosto, ayaa Danjire Afey iyo wafti ka socday Midowga Yurub waxa ay tageen Baydhabo, si dawlada looga warbixiyo wada hadaladii ay Kenya la gashay maxaakiimta. Cabdullaahi Yuusuf markii uu warbixinta dhegaystay ayuu waftigii tusay qol ay yaaliin askar dhaawaac ah oo uu yiri: “Ragga aad leedihiin nabad bay rabaan, waa kuwaas ciidanka sidaas u galaya,– inta farta ku fiiqay askartii dhaawaca ahayd—”. Afey iyo Waftigii Midowga Yurub waxa ay ka degeen garoonka Muqdisho oo ay maxkamaduhu fureen, waxa ayna shir kula yeesheen garoon midowga maxkamadaha. Danjire Louis (EU) ayaa Sh. Xasan Daahir weydiiyey sababata ay dawlada u weerareen. Sh. Xasan ayaa yiri: “Annagu dagaal kuma qaadin dawlada ee ciidamo sahan ah ayaa isku dhacay… haddii aan gacanta u qaadno kuwaan , maalmo yar ayaan Baydhabo ku qabsanaynaa”. Noqoshadii waftiga ka dib, waxa sii xoogaystay dagaalkii u dhexeeyey dawlada iyo maxkamadaha. Ugu dambayntii dawlada ayaa si deg deg ah u dalbatay ciidamo Itoobiyaan ha.

Shirkii Labaad ee Khartuum

Dalka Suudan oo ay Jaamacada Carabtu u xilsaartay shirka wada-hadalka dawlada Soomaaliya iyo Maxkamadaha, ayaa qorshaysay in uu shirku furmo 2-dii bishii Sebteember 2006, kaas oo fashilmay, ka dib isdiidanaan u dhaxaysay labada dhinac. Waxayaabaha shirka fashiliyey waxaa ka mid ahaa Cali Geedi oo ka cabsi qabay in haddii lagu heshiiyo awood qaybi uu jagadiisa waayayo, maadaama ay isku dhinac yihiin Sh. Shariif oo ahaa guddoomiyaha maxkamadaha. Qoruhu waxa uu sheegay in Shariif Xasan oo hogaaminayey waftigii shirka koowaad ee Khartuum uu aaminsanaa in awood qaybsi lagu heshiiyo, taas oo ay beesha caalamku xal u aragtay. Sido kale, waxa uu qoruhu sheegay, in Cali Maxamed Geedi uu bedelay hoggaankii waftigii hore si aan heshiis u dhicin. Waxaana hogaamiye looga dhigay wasiir ka amar qaadanaya, isaga (Geedi) oo si toos ay amaro u soo siinaya waftiga dawlada. Sidoo kale waxaa shirka fashiliyey rag xagjir ahaa oo Muqdisho joogay oo ka cabsi qabay haddii la heshiiyo ay waayayaan awooda ay haystaan. Al-Bashiir waxa uu la xiriiray Sh. Xasan Daahir oo Qaahira joogay iyo Sh. Shariif, labadu waxa ay waftiga ku amreen in ay shirka ka qayb galaan, hase yeeshee waxaa ka awood batay qolyihii xagjirka ahaa ee Muqdisho joogay. Qoruhu waxa uu sheegay in labada qolo mid kasta eeganayay danihiisa ayna burburiyeen dantii guud. Qoruhu waxa uu aaminsan yahay in ay maalintaas luntay fursad dahabi ah oo wax tari lahayd dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Qoruhu waxa uu sheegay in subaxdii shirka la qorsheeyey in uu furmo, ay habeenkeedii la kulmeen labada dhinac. Dhinaca dawlada oo uu hogaaminaye Cabdullaahi Sh. Ismaaciil (Wasiirka Arrimaha Dibada) waxaa ka muuqatay caro ay u qabaan maxkamadaha, waxaana ay rabeen in ay dhegaystaan warka maxkamadaha, ka dibna ay warbixinta u gudbiyaan xafiiska raysul-wasaaraha. Dhinaca maxkamadaha oo uu hogaaminayey Dr. Cadow (Arrimaha Dibada), ayaa handdaday waftiga IGAD iyo beesha calaamka, taas oo uu qoruhu ku sababeeyey xanaaq ay u qabaan Itoobiya oo ciidamo xoogan keentay Baydhabo. Sidoo kale waxa uu qoruhu sheegay in ay ka muuqatay kalsooni xad dhaaf ah oo ay quursadeen ergada dawlada. Subaxdii markii la yimi goobtii shirka, maxkamaduhu waxa ay keeneen dood cusub oo ahayd in IGAD iyo Beesha Caalamku ay shirka ka baxaan. Waftigii IGAD iyo beesha Caalamka oo uu hoggaaminayey Afey, waxa ay isla gaareen in Soomaalida laysaga dhex baxo, taas oo ay diideen Itoobiya iyo waftigii dawlada Soomaaliya. Hase yeeshee waxa la qaatay in shirka ay ka baxaan IGAD iyo beesha caalamka.

Diyaaradii Luntay

Afey oo la murugaysan fashilka shirka, ayaa loo soo sheegay in ay xaaskiisii umashay ilmo mayd ah, ka dibna 5-tii bisha Sebteember ayuu si deg deg ah uga degay magaalada Nayroobi. Markii uu teleefoonka shitay, ayaa waxa la soo hadlay Dr. Gaandi oo u sheegay in wafti ka tirsan maxkamadaha lagu haysto garoonka diyaaradaha ee Nayroobi, waxaa xigtay Dr. Xasan Xujaale oo weydiiyey Afey in uu ogyahay ragga Nayroobi lagu haysto. Sh. Shariif ayaa la soo hadlay oo Afey u sheegay in uu si deg deg wax uga qabto nimanka garoonka lagu haysto. Afey oo dareemay in dhiilo jirto, laakiin aan xog fiican helin oo boorsadiisii raadinaya, ayaa waxa garabka ka taabtay talihiyii nabadsugida ee Kenya, oo u sheegay inuu raadinayey, ayna nasiib leeyihiin haddii uu joogo Afey. Sidoo kale waxa uu u sheegay in ay Kenya dhib ka haysato arrin garoonka ka jirta. Meel gaar ah inta ula baxay ayuu yiri: “Ma taqaan Xasan Turki?” Afey ayaa yiri: “Ma aqaan, ee maxaa dhacay?” Markale ayaa talihiyii ku celiyey: “Ma taqaanaa Xasan Turki? Dad ma ka soo dhex saari lahayd?” Afey ayaa u sheegay in og yahay in Xasan Turki uu yahay nin oday ah, oo uusan garanayn in uu odaynimadiisa ku soo saaro mooyee. Markaas ayaa taliyihii nabadsugidu u sharaxay Afey waxa jira iyo culayska ka haysta Mareykanka, Soomaaliya iyo Itoobiya oo doonaya in raggaas loo soo gacan geliyo. Sidoo kale waxa uu u sheegay in dad badan oo Soomaaliyeed ay joogaan garoonka afkiisa oo ay doonayaan in la siidaayo diyaarada iyo dadka saarnaa. Afey iyo taliyihii nabadsugidu waxa ay tageen qol yar oo ciriiri ah oo ay ku jireen dadkii diyaarada la socday oo ay ku jireen saraakiisha maxkamadaha, dad shacab ah oo ay ka mid ahaayeen labo haween ah oo caruur yar yar watay. Markii uu Afey salaamay, hal mar ayey soo wada boodeen oo salaantii ka celiyeen, ka dibna mid ka mid ah ayaa ku soo booday Afey oo yiri: “Alla waa Maxamed Afey”. Afey ayaa weydiiyey adigu: “Ma Xasan Turki ayaad ahayd?” Maya waa Axmed Madoobe ayuu yiri. Madoobe si deg deg ah ayuu uga warbixiyey in iyaga oo ka soo tegay Kismaayo ay ku degi waayeen garoonka Muqdisho oo uu roob ka da’ayey, ka dibna ay ku soo laabteen Kismaayo, oo ay sidoo kale ka degi waayeen, ka dibna duuliyihii uu yiri Nayroobi ama Jabuuti, ka dibna ay doorteen in ay ka degaan Nayroobi. Axmed waxa uu sheegay in uusan Xasan Turki la socon. Markii ay cadaatay in Turki uusan la socon diyaarada, Afey iyo taliyihii nabadsugida waxa ay tageen xafiiska nabadsugida ee garoonka ku yaalay, waxaana u yimi safiirka Soomaaliya ee Kenya (Ameeriko), sirdoonka Itoobiya iyo FBI-Maraykanka, kuwaas oo codsaday in loo soo gacan geliyo, oo ay taagan tahay diyaaradii gayn lahay xabsiga Goontinaamo Baay, halkaasna lagu baari doono. Afey iyo taliyihii nabadsugidu waxa ay yeesheen wadatashi. Afey ayaa weydiiyey taliyihii nabadsugida, haddii aan Tukri ku jirin maxaan u haysanaa dadka. Taliyihii ayaa yiri: “Saddex dawladood oo aan saaxiibo nahay ayaa culays nagu haya, aan ku wareejino, meesha ay rabaan ha gaysteen, ee adiga maxaad ku talin lahayd?”. Afey oo hadalka dejiyey ayaa yiri: “Mareykanka oo dadkaan loo dhiibo waa taariikh madow, waxa ayna mugdi gelinaysaa xiriirka mustaqbalka ee Soomaaliya iyo Kenya. Waxa uu Afey intaas ku daray in ay socoto dib-u-heshiisiintii dawlada iyo maxkamadaha oo ay arrintaas wax u dhimi karto, iyo in ay Soomaaliya joogaan muwaadiniin badan oo Kenyaan ah oo ay arrintaas khatar ku tahay iyo in uu xumaanayo xiriirka ganacsiga ee Kenya iyo Soomaaliya. Taliyihii nabadsugida inta uu dareemay arrinta ayuu weydiiday Afey sida ay u qancinayaan Itoobiya iyo Maraykanka. Afey ayaa deg deg u yiri: “Markay naga tagaan ha soo qabsadaan”.

Inta ay hawshaasi socotay, ayaa safiirka Soomaaliya ee Kenya, la hadlay raysul wasaare Cali Geedi oo joogay Baydhabo, ka dibna raysul wasaaruhu waxa uu cadaadis saaray Cabdullaahi Yuusuf oo joogay Shiinaha oo uu ka socday shirkii Afrika iyo Shiinaha. Cabdullaahi Yuusuf ayaa la hadlay Kibaki oo la joogay shirka una sheegay in ragga argagixisada ah oo uu Xasan Turki ku jiro, kaas oo ka dambeeyey qarixii Nayroobi ee sannadkii 1998-dii lagu hayo Nayroobi, laakiin dawlada Kenya ay diidan tahay in Maraykanka lagu wareejiyo. Kibaaki, oo arrintaas la yaabay, ayaa armay wasiirkii arrimaha dibadda oo la joogay in uu arrintaas xog uga keeno. Afey iyo taliyihii nabadsugidda oo wada jooga ayaa waxaa isku mar soo wacay xog-hayaha joogtada ah ee madaxtooyada, wasiirka amniga qaranka iyo wasiirka arrimaha dibada oo Shiinaha jooga. Waxa ay u sheegeen arrinta culayska leh ee Kibaaki lagu soo wargeliyey. Taliyihii nabadsugidda ayaa u sheegay in ay arrinta ku wareersan yihiin, uuna la goojo Afey oo sheegay in uusan Xasan Turki ku jirin, laakiin Itoobiya, Markaynka iyo Soomaaliya ay culays ku hayaan. Taliyaha waxa loo sheegay in ay arrintaas go’aan ka gaaraan oo ay soo wargeliyaan madaxweynaha. Taliyihii nabadsugidda ayaa talo weydiiyey Afey. Mar kale ayaa Afey sharaxay in ay siidaynta raggan ay dan u jirto dawlada Kenya. Sidoo kale, ilaalinta derisnimada, maadaama ay maxkamaduhu xukumaan xadka deegaanka Wajeer ee Soomaaliya. Ugu dambayntii Afey waxa uu si adag u sheegay in haddii la dhiibo dadkan uu iska casilayo xilkiisa. Taliyihii nabadsugidda oo cabaar aamusay ayaa yiri: ”Is casilimaysid, ee isug, waxaan la tashan qolada amniga, waxa uuna la xiiriiray wasiirka amniga oo ay ku wada hadleen afka Kikuyada, kaas oo taliyaha u sheegay in uu go’aan qaato. Taliyihii nabadsugidda waxa uu go’aankii la qaatay Afey, waxaana loo yeeray Axmed Madoobe oo loo sheegay in la siidaynayo, isaga (Madoobe) oo arrintaas si weyn uga mahadceliyey. Afey oo safarkii ka nasan ayaa taliyihii nabadsugidda u sheegay in uu isagu dhammaynayo inta hawsha ka hartay. Afey markii uu ka soo baxay garoonka waxa uu bannaanka garoonka kula kulmay dad badan oo Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen Cabdullaahi Cabdi (Madax Muslim Aid, Kenya) iyo Sh. Umal oo uu u sheegay in la siidaynayo dadkii xirnaa. Afey markii uu gurigiis gaaray oo uusan weli dharkii bedelan, ayaa loo sheegay in ay arrintii wax iska bedeleen oo uu Maraykanku soo labo kacleeyey. Markii uu garoonka ku soo noqday ayaa loo sheegay in arrinta keentay soo noqodku ay tahay in la aqoonsaday Ismaaciil Caraale oo ah maxdaxa tababarada maxkamadaha oo uu Maraykanku doonayo. Afey waxa uu weydiiyey in ay dawlada Kenya ka noqotay go’aankeedii. Taliyaha nabadsugidda ayaa sheegay in aysan ka noqon go’aankeedii laakiin ay qancinayaan Maraykanka. Afey ayaa weydiiyey waxa ay u fasixi waayeen. Taliyihii ayaa yiri: ”Waan fasixi lahayn ee waa habeen”. Afey oo ay dhibayso dadka meesha ay joogaan ayaa la hadlay ganacsade Cabdullaahi Dheere oo weydiiyey in uu hayo meel la dejiyo dadka, ka dibna waxa uu Cabdullaahi sheegay in hotel Panari la dejiyo. Dadkii waxa la dejiyey hoteelkaas, waxa uu Afey ka dalbaday taliyaha booliska Kenya Maxamed Cali in uu keeno askar ilaalo ah, madaama laga cabsi qabay Maraykanka iyo Itoobiya.

Subaxdii markii dadkii la saaray diyaaradii oo ay kici rabo, ayaa mid ka mid ah rakaabkii u baahday musqul, ka dibna waxa diyaaradii hor istaagay gaari uu lahaa garoonka diyaarada oo ay ka soo degaan askari Kenyan ah iyo mid Maraykan ah oo diyaaradii kala soo degay Ismaaciil Caraale oo halka hore fadhiyey, kuwaas oo yiri ninkaan keliya ayaan u baahanahay ee dadka kale ha dhoofeen. Afey ayaa u sheegay Axmed Madoobe in ay baxaan, uuna isagu hawsha ninkaas xalinayo, hase yeeshee Axmed waa diiday in uu diyaarada ku noqdo. Afey ayaa si kulul u yiri: ”Maalmo ayaan hawshiina u cadibnayn ee dadkaaga ka xayso” Axmed Madoobe oo dejinaya Afey ayaa sheegay in ninka laga reebay uu yahay qabiilka Isaaq oo keligiis ku jiray dadka, sidaas darteed aysan ka tegin karin. Afey oo fahmay dooda Madoobe ayaa ka soo daba orday raggii kaxaystay Caraale, oo inta la garab sintay ayuu weydiiyey Caraale waxa uu yahay iyo waxa lagu haysto. Caraale ayaa si aan cabsi lahayn u sheegay in horey Maraykanku arrintaan ugu soo qabteen, oo uu tegay Afgaanistaan xilligii dagaalkii Daalibaan oo uu joogay muddo sannad ku dhow. Waxa uu intaas ku daray in uu horey Maraykanku u xiray, haddana soo daayeen, oo uusan garanayn waxa ay hadda ku daba joogaan. Afey oo naxay ayaa halmar ashahaatay. Maxada ayaa xanuunay Afey, maadaama isaga oo safiir ah uu difaacayo qof ka yimi Afgaanistaan oo horey loo soo xiray, xilligaas Maraykanku waxa uu Kenya ka ugaarsadaa xubnaha Al-Qaacida. Afey waxa uu go’aan saday in uu ninkaas difaaco oo uusan diyaarada ka harin. Caraale waxaa lagu wareystay qol yar, sirdoonkuna waxa ay codsadeen in aan loo soo gelin. Ka dibna waxa ay sirdoonku sheegeen in ay ka shakisan yihiin Caraale oo ay hayaan cadaymo sida sawiro. Afey ayaa dalbaday in la tuso sawirada, taas oo waqti qaadatay, maadaama laga soo qaadayey safaarada Maraykanka ee Kenya oo garoonka ka fogayd. Afey waxa uu dalbaday in diyaaradda dadka laga soo dejiyo maadaama ay muddo saarnaayeen. Waxa uu Afey u sheegay taliyihii nabadsugidda in ay ceeb tahay in intaan ka badan dadkan la hayo. Taliyaha oo la qaatay arrintaas ayaa haddana cabsi ka muujiyey in Maraykanku uu awood u leeyahay in uu diyaardada soo rido, ugu dambayna waxa ay isla qaateen in Caraale uu diyaarada raaco. Waqtigu waxa uu gaaray galab, markii Caraale loo geeyey diyaaradii ayaa la fasaxay diyaaradii, hase yeeshee duuliyihii ayaa sheegay in garoonka Kismaayo uusan nal lahayn oo aysan diyaaraddu ka degan karin. Afey oo arrintaas ka carooday, ayaa Axmed Madoobe kula taliyey in ay garoonka gawaari ku iftiimayaan, maxaa yeelay Afey waxa uu ka cabsi qabay in haddii ay diyaaradu sii joogto ay dadkaasi ka bixi karaan gacanta Kenya, sidaas ayey diyaaradii Kismaanyo uga degtay.

Markii la fasaxay dadkii iyo diyaaradii, waxaa soo baxay dareen cusub oo ay abuureen Maraykanka, Itoobiya iyo Soomaaliya oo ka carooday siideynta diyaaradda. Horaanti bishii Sebteember 2006-dii, golaha wasiirada ee Soomaaliya ayaa Baydhabo ku yeeshay shir deg deg ah oo uu guddoominayey raysul wasaare Geedi. Shirkaas waxaa ka soo baxday in warqad ka dhan ah Afey loo soo diray wasaaraddda arrimaha dibadda ee Kenya. Quruhu waxa uu sheegay in ay warqadu ahayd mid ka baxsan haykalka dublimaasiyada oo Afey oo keliya lagu eedaynayay. Geedi waxa uu Afey ku eedeeyay in uu qabiil ahaan u taageersan yahay maxkamadaha, waxa uuna u soo jeediyey dawlada Kenya in aysan qof Soomaali ah safiir uga dhigin Soomaaliya. Quruhu waxa uu ku tilmaamay taladaas mid ka dhan ah xaquuqda qofka Soomaaliyeed uu siinayo dastuurka Kenya, iyo in uusan Cali Geedi xisaabta ku darsan in Itoobiya iyo Jabuuti ay lahaayeen safiiro Soomaali ah. Wasiirka arrimaha dibada ee Kenya, xoghayaha joogtada ah ee arrimaha dibada iyo Afey ayaa warqada ka shiray. Afey ayaa sheegay in diyaarada lagu siidaayey go’aanka dawlada Kenya. Shirkii waxaa ka soo baxday in aysan dawlada Kenya fahmin meesha ay salka ku hayso eedaynta dawalada Soomaaliya iyo in aysan dadka Soomaaliya aysan u bislayn dawladnimada iyo qabasha xilka miisaanka leh.

Wafi uu hoggaaminayo Afey ayaa tegay Baydhabo bishii Oktoobar 2006-dii, kuwaas oo la kumay Cabdullaahi Yuusuf oo eedayn badan u soo jeediyey Danjire Afey. Waxa uu Afey dejiyey hadalka, oo waxa uu Yuusuf u sheegay in ay u socdeen u kuulgalka xaaladda. Ugu dambaytii Afey waxa uu u sheegay Cabdulaahi Yuusuf in diyaarada lagu siidaayey go’aanka dawlada Kenya, ka dib markii uu dhowr jeer ku celceliyey eedaynta u soo jeedinayey. Markii shirkii dhammaaday ayaa Cabdullaahi Yuusuf gaar ula baxay Afey oo ku yiri: ”Wiilkaygi ayaad tahay, waan ku canaanayey, ee xumaan kale ma jirto”.

Maxkamadaha oo Muqdisho ka Baxay

Markii ay maxkamaduhu qabsadeen dhul balaaran, waxaa timi cabsi laga qabo in ay qabsadaan magaalada Baydhabo, taas oo keentay in ay deg deg u soo gaalaan ciidamo Itoobiyaan ah, ka dib go’aan ay qaadatay dawladda Soomaaliya. Ciidamada Itoobiya labo ujeeddo ayey lahayeen: (i) in ay difaacaan dawlada iyo in ay ka hor tagaan cabsi laga qabay in ay maxkamaduhu soo weeraraan Itoobiya. Ciidamada Itoobiya saddex jiho ayey Soomaaliya ka soo galeen, (i) Baydhabo, (ii) Beledweyne iyo (iii) Gaalkacyo. Dagaal kulul ka dib waxaa laga awood roonaaday maxkamadihii, taas oo keentay in ciidankii iyo madaxdii maxkamaduhu Muqdisho ka baxaan.

Markii ay ciidamada Itoobiya iyo dawladu soo gaartay Walaweyn, dawladda Soomaaliya waxa ay xirtay xaduudaha dhulka, cirka iyo bada, taas oo saamaysay dad badan oo ka baxsan makamadaha. Fahad Yaasiin, Maxamed Cadow iyo rag kale oo Kenyaan ah ayaa la soo xiriiray Afey si ay ugu soo dirto diyaarad, waxaana laga qaaday garoonka number 50 oo ku yaala duleedka Muqdisho. Sidoo kale, Dr. Cadow ayaa la soo xiriiray Afey oo ka codsaday inuu badbaadiyo, iyo in ay wadahadaladii dib u furaan si looga baaqsado dagaalka. Tashi ka dib Afey waxa uu ka soo qaaday gaaroonka 50, Dr. Cadow iyo xaaskiisa, Daahir Geele iyo ragg kale oo maxkamadaha ka tirsanaa, waxa uuna dejiyey magaalada Nayroobi. Dawlada Soomaaliya ayaa diiday in ay wadahadal la furto iyo joogitaanka ay ragaasi joogaan Nayroobi. Afey si uu culayskaas uga qaado Kenya waxa uu la hadlay safiirkii Yemen ee Kenya, waxaana raggii ka tirsanaa maxkamadaha la geeyey Yemen. Ciidamadii Itoobiya waxa ay galeen Muqdisho oo ay ka dhaceen dagaallo culus iyo burbur badan. Abuukar Cadaani oo dhaqaale ahaan laf dhabar u ahaa maxkamadaha ayaa galay xadka Kenya, ka dibna dawlada Soomaaliya ayaa cadaadis ku saartay Kenya in la qabto. Cadaani oo la soo qabtay ayey dawlada Kenya ku xirtay xabsi ku yaala magaalada Nayroobi bishii Diseember 2006. Dad eheladiisa ah oo joogay Nayroobi ayaa qareen u qabtay, kaas oo codsaday in dawladda Kenya ay ka noqoto go’aankeedii si loogu doodo. Afey ayaa 10-kii Janaayo 2007, warqad u qoray xoghayaha joogtada ah ee arrimaha dibada ee Kenya, isaga oo u sharaxay muhiimada xiriirka gacansiga Soomaaliya iyo Kenya, ka dibna xoghayihii ayaa garyagaanka guud u sheegay in uu jabiyo xarigii Cadaani. Sidaas ayaa Cadaani lagu soo daayey, taas oo Afey mar kale u keentay in lagu eedeeyo in uu la jiro maxaakiimta.

Afey oo sannadkii 2023-dii Abuukar Cadaani kula kulmay Muqdisho ayaa Cadaani waxa uu u sheegay sidii uu xaduuda uga gudbay, taageeradii uu siisay maxkamadaha, waxase uu ka qoomameeyey in aysan iska garan dhalinyaro xagjir ah oo ku dhex jirtay, sidoo kale, waxa uu ka xumaaday riditaankii dawladii Soomaaliya. Cadaani waxa uu u sheegay Afey, in uu ka gaabsaday maxkamadaha, markii ay diideen in ay la heshiiyaan dawladda.

Sh. Shariif oo Galay Xuduudda Kenya

Sh. Shariif oo uga waramay Afey sida uu ku galay xuduudka Kenya ayaa yiri: ”Markii ay Muqdisho ku soo dhowaadeen ciidamada Itoobiya, waxa shir deg deg yeeshay madaxdii maxkamadaha, oo waxa la soo jeediyey dood ahayd in magaalada laga baxo iyo in lagu dagaalamo, ugu dambayntii waxaa la qaatay in magaalada laga baxo, iyada oo loo turayo dadka iyo dhismaha magaalada, iyo in shacabku dareemaan dulaanka Itoobiya oo ay ka gadoodaan. Waxaan raacnay jidka Marka, anaga oo u socona Kismaayo. Intii la socday diyaarado ayaa na duqeeyey oo gawaari badan naga gubay. Maalintii dhirta ayaan hoos galnay, habeenkii ayaan soconaa inta baaburta nalkeeda la damiyey, ka dibna waxaan isugu tagnay magaalada Jilib, iyada oo diyaaradihii weli na dul wareegayaan. Waxaan kale oo ogaanay in ciidamadii Itoobiya ee Muqdisho galay ay na soo daba galeen. Labo kooxood ayaan isku qaybinay, koox uu hogaaminayey Sh. Xasan Daahir, waxa ay ku noqdeen Muqdisho si ay ugu biiraan xoogag loo qorsheeyey inay gudaha ka dagaalamaan. Kooxda kale waxa la gartay in ay halganka dibada ka taageerto. Waxaana la xiriiray Dr. Cadow oo Yemen jooga, isaga oo ii sheegay in aan Kenya imaado, ka dibna Yemen uga soo gudbo, laakiin ma garanayn meel aan Kenya u maro. Roob badan ayaa da’ayey, socodku ma fududayn, ciidamadii Itoobiya way soo dhowaanayeen. Koox koox ayaan isku qaybinay, koox aan watay waxa aan aadnay jihada Koonfur, oo waxaa na waday in la oran jiray Siyaad oo ka tirsanaa ciidamada maxkamadaha. Habeenkii ayaan dhex socon jirnay kaymaha jiqda ah, waxaan nimi meel ku dhow Kulbiyow oo ku taala xadka Kenya. Gawaaridii waxa ay gashay dhiiqadii oo waa ay socon weyday”.

Sh. Shariif oo sii wada hadalka waxa uu yiri: “Haddana koox koox ayaa laysku qaybiyey. Aniga iyo 11 xubnood oo aan watay waxaan galnay kaynta Badda-Madow, waan lunay oo ma garanayno jid iyo jiho. Ma haysano cunto, maalmo ayaan kayntii dhex wareegaynay oo ninkii na waday ayaa wareerey oo dhulkii kala garan waayey. Waxaan soo raadinay koox Axmed Madoobe watay, ka dibna waxaan ka talownay xadka Kenya oo waxaan tagnay meel u dhow deegaanka Haluuq ee gudaha Kenya. Labo kooxood ayaan iska dhignay si aan diyaaradaha uga gabano. Kooxdii kale ayaan siiyey taleefoon thoraya ahaa oo aan watay. Kooxdii taleefoonka naga qaatay, markii ay wax yar naga socdeen ayey taleefoonkii shiteen.(Kooxdaas waxaa watey Axmed Madoobe madoobe, oo dayaaradihii ayaa duqeeyay, halkaas oo laga qaaday Axmed Madoobe oo dhawac ah oo la geeyey Kismaayo, ka dibna Itoobiya loo sii gudbiyey”. Daqiiqado yar ka dib waxaa na dul timi diyaarada aan duuliye lahayn, dhaqdhaqaaqii ayaan joojinay, muddo markii ay na dul taagnayd, waxa ay aaday dhinicii kooxdii thoraya-ha wadatay. Markaas ayaan fahanay in kooxdii ay taleefoonkii shidatay. Jid cade xaduuda ka yimaada oo Haluuq gala ayaan ku soo baxnay. Haddii aan jidka raacno waxaan ka baqnay ciidanka Kenya in ay na qabtaan. Jidka dhinaca waqooyi ayaan uga gudubnay, maalo kale ayaan sii soconay. Tuulo yar oo aan magaceeda garanayn ayaan ku soo baxnay. Wiil yar ayaan la kulanay, kaas oo noogu yeeray aabihiis. Odaygii waxa uu nagu yiri: ”Xaaladda deegaanku waa xun tahay, dadkii maxkamadaha ayaa deegaanka lagu sheegayaa, waana la raadinayaa, meel kasta ciidan ayaa maraya. Kayntaas gala, halkaas ayaan cunto nidiinku keenyaa”. Ninkii waxaan u dhiibnay 200 doolar oo ka mid ahayd kun doolar oo aan wadanay, si fiican ayuu noo sooray. Habeenkii ayaan ka guuray, dhulka waxaa ku badan laago biyo jiifaan oo aan marar ku dhex soconaynay. Socodku ma fududayn oo waxa uu ahaa qardo jeex. Maalintii dambe ayaan waxa aan u baxnay meel bannaan ah. Diyaarado ayaa na dul yimi, meeshu geed lagu gabado ma leh. Waxaan is weydiinay inaan beerka dhulka dhigno, laakiin suurogal ma noqon. Kayn noo muuqatay ayaan deg deg ku galnay. Markaan kayntii muddo ku soconay, waxa kale oo na dulyimi diyaarado dagaal oo joog hoose ku duulaya. Raggii ayaan u sheegay in nin kasta uu geed hoosta ka galo. Dhowr jeer ayay nagu soo rogaal celiyeen, markii ay dhaqdhaqaaq waayeen ayay iska tageen, iyaga oo aan wax soo ridin”.

“Markii ay cabsidii anaga badatay, waxaa naga lumay jihadii, 4 maalmood iyo 4 habeen ayaan soconay, meel aan u socono ma garanayn, gaajo ayaan la socon weynay. Waxa ay noqotay in aan cunto raadiyo. Waxa aan soo qaaday jid-cadihii magaalada Hulaaqo, oo hadda cabsidii aan ka qabay ciidanka Kenya way iga ba’day. Ma garanayn dhinaca aan u socdo in ay Soomaaliya tahay iyo in ay tahay Kenya. Muddo markaan socday ayaan dareemay in aan Kenya gudaha u sii galay. Jidka waxa aan uga soo leexday dhinaca koonfurta, waxaana la kulmay oday xoolo la jooga oo ii sheegay in ay deegaanka ay soo galeen maxkamadihii soo jabay oo xitii guddoomiye Sh. Shariif la sheegayo. Odaygu ma garanayo nin uu la hadlayo in uu yahay Sh. Shariif. Geed hoostiisa ayuu i fariisiyey oo gurigisii waxa uu iiga keenay bariis -cad, in aan cuno iska daaye, waxaa i dhibaysay urtiisa gaajo darteed. Inta aan bac ku riday ayaan gashaday jeebkii jaakad aan watay si aan ugu geeyo raggii aan ka imi. Dib ayaan ugu soo noqday wadadii aan ka imi, haabeenkii oo dhan ayaan socday, maalintii dambe ayaan imi meeshii aan ku ogaa, nasiib daro, waan waayey raggii aan cuntada u waday. Habeen iyo maalin kale ayaan keligay wareegayey meel cidla ah. Diyaarad daroon ah ayaa i dul wareegaysa, laakiin nasiib wanaag waxba iguma ridin. Xaalkaygu quus ayuu gaaray, daal, iyo gaajo ayaa isugu kay darsamay. Bariiskii aan watay afkaa ma saariin, meel aan xal ka gaaro ayaan garan waayey”.

“Subixii dambe ayaan fekeray, waxaa maskaxdayda ku soo dhacday in aan ku jiri karin xaaladaan quusta ah ee aan isku dhiibo ciidanka Kenya, ka dibna aado Yemen oo aan ku ogaa rag maxkamadaha ka tirsan. Waan istaagay oo waxaan iska furay bitoolad cusub oo dhexda iigu xirnayd, sidoo kale waxaan tuuray bacdii bariisku ku jiray. Waxaan aaday dhinicii ay iga jirtay wadada aada Haluuq. Maalin gelinkeed markaan soconayey ayaa waxa igu soo baxay wado, dhinicii aan filayey in ay Haluuq iga jirto ayaan u raacay. Dhowr saac markii aan socday, waxaa igu soo baxday hooyo ari la joogta. Markii aan salaamay ayaan u sheegay in aan ka mid ahaa maxkamadaha (uma sheegin qofka aan ahay), waxaana ku iri: ”Waxaan doonayaa in aan isku dhiibo ciidanka Kenya ee xaggee joogaan ciidanka iigu dhow”. Hooyadii inta soo booday ayey tiri: ”Ha is dhiibin, ha is dhiibin…. duurka ku jir way ku dilayaan”. Hooyadii waxa ay ii muujisay naxasiir, laakiin warkeedii waan iska dhegatiray. Haabeenkii cidla ayaan joogay, subaxdii markii aan socodkaygii bilaabay ayaa waxaa ii muuqatay magaalada Hulaaq goor barqadii ah. Bannaan ka sokaysa magaalada oo ay xero ciidan ku taalo ayaan ku soo baxay. Dad ayaa meesha maraya, oo waa ii jeedaan in aan ahay nin keligiis, malaha qof reer miyi ah ayey ii malaynayaan. Markii aan xeradii ku soo dhowaaday, ayaa waxa igu soo baxay askari meel soke taagan, waxaa salaamay, mise af Soomaali ayuu igula hadlay oo waa aski Soomaali ah, ka dibna waxa aan u sheegay in aan ka mid ahaa maxkamadaha oo aan doonayo in aan ciidanka Kenya isku dhiibo. Inta igu soo booday ayuu yiri: ”Ha is dhiibin, dib u noqo, dib u carar, xaaladdu way xun tahay waa lagu dilayaa”. Dhowr jeer ayuu ku celceliyey. Laakiin talada uu i siiyey ma yeeli karo, oo waxa ii jeeda ciidankii oo haddii aan cararo way i tooganayaan. Ka dibna waan iska soo dhaafay askarigii.”

“Askari meel balbalo ah fadhiya ayaan u soo galay oo aan ku iri: “Waxaan ahay guddoomiyihii maxkamadaha Sh. Shariif, waxaan isku soo dhiibay dawlada Kenya”, Askarigii ayaa afka sawaaxiliga ku yiri: “ Ma adiga, ma adiga,…? Askariga aan fariinta u sheegay waa uu qaadan kari waayey. Hadalo kale oo badan oo aan fahin ayuu yiri, malaha arrinta ayaa filan waa’ ku noqotay oo uu qaadan kari waayey. Askarigii waxa uu igu fariisiyey kursi agtiisa yaalay, oo waxa uu qabsaday is-gaariinta (hello-hello) oo agtiista taalay oo war badan ayuu sheegay, waxa wejigiisa ka muuqatay inuu war weyn sheegayo. Askar badan baa markiiba noo timi oo aad iskula hadlaya, laakiin dad wanaagsan ayey ahaayeen oo wax dhib ah iima geysan, xitaa il-xun iguma eegin. Saacad ka dib, waxaa soo degtay diyaarad helo-kobtar ah, iyada ayaa la i saaray, askari ayaa katiinad la soo baxay, nin sarkaal ah ayaa ku yiri: ”Wacha, wacha” oo aan u fahmay in tahay ka-daa, ka-daa. Waxa kale oo diyaarada la ila soo saaray xaaskii Faysal Cabdalla oo maalmo ka hor laga qabtay meel Hulaaq u dhow. Waxaan tagnay magaalada Laamuu, ka dibna aniga diyaarad kale ayaa la iga saaray oo waxaa la i geeyey magaalada Nayroobi. Gabadhii diyaarada la soo saaray Laamuu ayaa iigu dambaysay. Maalintaas waxaa la ii sheegay in salkaal ka tirsan maxkamadaha oo la oran jiray Dakhare lagu dilay duqayn”. Sh. Shariif waxa uu sheegay in intii ay duurka ku jireen in ay dadkii Soomaaliyeed si wanaagsan u soo dhoweeyeen.

Markii la keenay Sh. Shariif magaalada Nayroobi, waxaa la geeyey xabsi ku yaala dhulka hoostiisa ah oo ku yaalay xerada ciidamada koofiyad-casta. Sh. Shariif markii qolka la geeyey hurdo dheer ayuu galay, socodkii iyo daalkii badnaa darteed. Markii uu soo baxay warka sheega in ay dawlada Kenya gacanta ku hayso Sh. Shariif, Afey waxa uu la xiriiray Shugri Cabdi oo ahaa agaasimaha guud ee xog-helista ee sirdoonka Kenya, kaas oo u xaqiijiyey in ay Kenya gacnta ku hayso Sh. Shariif. Waxaa uu intaas ku daray inuu hadda u socdo oo uu wareysi la yeelanayo. Shugri waxa uu ka wareystay Sh. Shariif sidii lagu soo qabtay iyo xaaladdu sida ay tahay. Kadibna waxa uu Sh. Shariif weydiiyey waxa uu la xalin karo. Sh. Shariif ayaa dalbaday in uu la hadlo safiir Afey, iyo in xabsiga laga wareejiyo. Shugri waxa uu u sheegay Afey wixii dhexmaray isaga iyo Sh. Shariif. Afey waxa uu talo ku soo jeediyey in Sh. Shariif xabsiga laga saaro, kadibna waxaa la dejiyey hotel Lamada. Sh. Shariif waxaa loo geeyey macawis, shaati, Sali iyo kitaab quraan ah, sidoo kale waxa laga daweeyey dhawac ka soo gaaray socodkii dheeraa. Maraykanka iyo Itoobiya cadaadis ayey saareen dalka Kenya. Arrintu waa mid amni oo ma aha arrin siyaasadeed oo safiirka la xiriirta. Sidoonka Kenya waxa ay Sh. Shariif ka wareysteen xaalada maxkamadaha, in maxkamduhu duulaan ku ahaayeen dalalka deriska iyo waxa uu ka aaminsan yahay dawlada Soomaaliya. Sh. Shariif ayaa sheegay in aysan maxkamaduhu duulaan ku ahayn dalalka deriska ah iyo in ay diyaar u yihiin in ay la heshiiyaan dawlada oo ay la shaqeeyaan.

Inta wareysiga Sh. Shariif socdoy, Itoobiya waxa ay culays saarday dawlada Kenya oo ay ka rabtay in ay u soo gacan geliso Sh. Shariif. Arrintaasi waxa ay furtay dood ah wax laga yeelayo Sh. Shariif. Midowga Yurub oo la hadlay dawlada Kenya ayaa ka soo horjeedsatay in Sh. Shariif loo gacan geliyo Itoobiya, taas oo ay u arkeen in ay sii fogaynayso xaalada Soomaaliya. Danjire Afey ayaa isna fikradaas aaminsanaa. Sh. Shariif waxa uu codsaday in loo keeno teleefoon uu kula hadlo qoyskiisii. Hase yeeshee waxa uu la xiriiray Fahad Yaasiin (Wariye, Al-Jaziira) oo u sheegay in uu waqti yar haysto uuna doonayo in uu waraysi ka qaado. Wareysigaas oo laga qaaday, waxaa uu Sh. Shariif ka lahaa labo ujeeddo, oo ahaa in uu caalamka u sheego in uu ku jiro gacanta dawlada Kenya iyo in asxaabtiisii iyo dunida oo ku wareersnaa xaaladiisa u sheego in uu nool yahay. Taliyihii Nabadsugida iyo Shurgi waxa ay ku wargeliyeen Afey in uu Sh. Shariif soo wareysto. Afey sacaado badan ayuu la joogay oo ay Sh. Shariif wax badan iska wareysteen. Quruhu waxa uu sheegay in ay Sh. Shariif xoogaa yara nastay, laakiin ay wejigiisa ka muuqatay cabsi iyo shaki. Sh. Shariif kalsooni ayuu dareemay markii uu la kulmay Afey. Sidoo kale Afey ayaa kalsooni sii geliyey, markii uu u sheegay in uusan dhib la kulmayn oo uu hawshiisa gacanta ku hayo. Sh. Shariif waxa la weydiiyey meelaha uu jeclaan lahaa in uu aado, isaga oo doortay Suudaan iyo Yemen. Afey ayaa bilaabay in dal-ku-gal u raadiyo Sh. Shariif, ayaan waxa uu suuroobin in uu helo safiirkii Suudaan, waxa uu helay safiirkii Yemen oo sheegay in ay Sh. Shariif dal-ku-gal siinayaan oo ay qaadayaan, haddii ay dawlada Kenya raali ka tahay. Dawlada Kenya ayaa qaadatay in Sh. Shariif loo diro Yemen, hase yeeshee waxa ay ku xirtay in Sh. Shariif uu shir jaraa’id qabto inta uu Kenya joogo, kaas oo uu ku cadeynayo siyaasada maxkamadaha.

Sh. Shariif waxa loo keenay qoraalkii uu ka jeedin lahaa shirka jaraa’id oo ku saabsanaa cambaaraynta argagixisada, cadaynta in maxkamaduhu aysan ahayn argagixiso, la shaqaynta dawlada Soomaaliya, ka qayb-qaadashada dib-u-shiisiinta iyo u mahad-celinta. Sh. Shariif, ayaa su’aal ka keenay qoraalka oo uu hoosta kaga qornaa “Guddoomiyihii hore ee Maxkamadaha” waxaa uuna codsaday in laga dhigo “Guddoomiyaha Maxkamadaha”. Shirka jaraa’id ka dib waxaa loo galbiyey safarkii uu Yemen ku aaday, sidaas ayuuna Sh. Shariif Yemen ku tegay. Markii la siidaayey Sh. Shariif, waxaa badatay eedayntii ay dawlada Soomaaliya u soo jeedinaysay Danjire Afey oo keentay in uu xilkii safiirnimada iska xasilo bishii May 4, 2007, taas oo laga aqbalay.

La Soco Qaybtaa Afraad