
Taliska Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in 8-dii bishan Maarso uu duqeyn ka fuliyay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, halkaas oo ay ku dhuumaalaystaan xubno ka tirsan Daacish.
Hadal qoraal ah oo ka baxay AFRICOM ayaa lagu xusay in duqeyntu ka dhacday meel qiyaastii 70 KM dhanka koonfur bari kaga beegan magaalada Boosaaso.
Maraykanka wax faahfaahin kama bixin khasaaraha ka dhashay duqeynta ka dhanka ah talisyada Daacish-ta ku dhuumaalaysata meelo ka mid ah buuraleyda Calmiskaad.
Maraykanka ayaa taageero weyn oo dhanka duqeynta iyo xogta ah, Puntland ka siiyay dagaalka ay kula jirto kooxda Daacish oo muddo hal sano ka badan ka socda Calmiskaad.
PUNTLAND POST