
Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Xaaji Abshir ayaa baaq nabadeed u diray labo beelood (Reer Khalaf iyo Carab Saalax), kuwaas oo dirir ku dhexmartay deegaanka Kalabayr ee degmada Bursaalax ee gobolka Mudug.
Guddoomiyaha Nugaal waxa uu ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo colaadda, islamarkaana la qaboojiyo xiisadda taagan, dagaalkuna uusan intaas ka sii darin.
Sidoo kale odayaasha iyo waxgaradka deegaankaas iyo guud ahaan gobolka Mudug ayuu ugu baaqay in ay si degdeg ah ugu istaagaan sidii loo dabimin lahaa colaadaas.
PUNTLAND POST