Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa maanta qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM, Maj. Gen. Claude K. Tudor Jr., iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku yimid Jubaland.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca amniga, dardargelinta wada shaqeynta la-dagaallanka Al-shabaab, iyo taageerada howlgalada lagu xaqiijinayo xasilloonida deegaannada Jubaland, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Jubaland.

Maj. Gen. Tudor ayaa bogaadiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada Jubaland iyo ciidamada Kumaandooska Danab qeybta Jubaland, kuwaas oo la sheegay in lagu jabiyay Al-shabaab.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe waxaa kulanka ku wehelinayay wasiirka amniga fudaha Yusuf Xuseen Cismaan.

PUNTLAND POST