Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay dastuurka cusub ee lagu muransan yahay

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta saxiixay dastuurka cusub ee maalmo ka hor ay ansixiyeen labada aqal ee baarlamaanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo markii uu saxiixayay ay garbihiisa taagnaayeen guddoomiyeyaasha labada aqal ee baarlamaanka, Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi ayaa sheegay in hadda laga bilaabo dastuurka cusub uu ka dhaqangelayo dalka.

Dastuurka cusub waxaa diidan Puntland, Jubaland iyo mucaaradka Muqdisho, kaas oo sheegay in wax ka baddelkiisa aan loo marin wadatashi iyo habraac sharci ah.

Dowladda federaalka oo lagu doortay muddo afar sanno ah ayaa hadda sheegtay in muddo-xileedkeedu yahay shan sano, islamarkaana ay qabanayso doorashooyin qof iyo cod, oo heer federaal iyo heer dowlad goboleed ah.

PUNTLAND POST