Farmaajo iyo Sheekh Shariif oo kulan yeeshay

Madaxweynayaashii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlay xaaladda siyaasadda dalka.

Inkastoo aan kulanka midkoodna war ka soo saarin, hadana wararku waxay sheegayaan in ay ka wadahadaleen arrimaha wax ka baddelka dastuurka lagu sameeyey iyo doorashooyinka dalka.

Kulanka labada madaxweyne ee hore, wuxuu ku soo aadayaa, xilli guddoomiyaha baarlamaanka Aadan Madoobe uu sheegay in baarlamaanku ku darsaday muddo kororsi hal sano ah.

Mucaaradka ayaa hadda doonaya in ay midoobaan, isku aragtina ka noqdaan arrimaha doorashooyinka iyo wax ka baddelkii lagu sameeyey dastuurka dalka.

Mucaaradka ayaa sidoo kale qorsheynaya in ay shirweyne weyn ka qabtaan Garowe bartamaha bisha April, kaas oo ay uga arrinsanyaan doorashooyin ay doonayaan in ay bilaabaan Puntland iyo Jubaland.

PUNTLAND POST