
Dugsiyada magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa cabasho ka muujiyay go’aano ka soo baxay wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland, gaar ahaan xafiiska Imtixaanaadka.
Maamulayaasha dugsiyada Boosaaso oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in ay cabasho ka qabaan wax ka baddel lagu sameeyay jadwalka imtixaanka shahaadiga ah 2025-2026, shaacinta natiijada iyo maadada xisaabta fasalla 8-aad iyo 12-aad.
Waxay sheegeen in wasaaraddu jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee sanadkan ka dhigtay 16 bisha May, taas oo ku beegan xilli dugsiyada magaalada Boosaaso ku jiraan imtixaanada kale.
Sidoo kale maamulayaasha dugsiyada Boosaaso waxay tilmaameen in la joojiyay qaabkii loo shaacin jiray imtixaanka shahaadiga ah, islamarkaana la joojiyay shaacintii 10-kii arday ee ugu sarreysa dugsiyada Puntland, taas oo ay ardayda gala kaalimaha hore ay ku heli jireen deeqo waxbarasho.
Waxay kaloo sheegeen in maadada xisaaabta sanadkan lagu daray maadooyinka todobada ah ee loo qiimeeyo ardayga, halka markii hore ardayga loo qiimayn jiray todobada maado ee ugu sarreysa.





PUNTLAND POST