
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Arusha ee dalka Tanzania, halkaasi oo uu kaga qayb galayo meertada 25-aad ee shir madaxeedka sanadlaha ah ee madaxda Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulanka ka jeedindoona khudbad ku saabsan xoojinta iskaashiga gobolka ee dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo isku xirka bulshooyinka dalalka xubnaha ka ah Ururka, isaga oo kulan doceedyo la yeelan doona madaxda dalalka gobolka ee shirka ka qayb galaya.
Shir madaxeedka 25-aad ee madaxda Ururka Bulshada Bariga Afrika ayaa sanadkan lagu falanqeynayaa ajandayaal ay ka mid yihiin xoojinta iskaashiga dalalka gobolka ee dhinacyada dhaqaalaha, amniga, ganacsiga iyo siyaasadda.
PUNTLAND POST