
Waxaa magaalada Garowe xalay ku geeriyooday Gen. Maxamed Cali Abokor oo lahaa in ka badan 60 sano oo aqoon iyo khibrad ciidan ah.
Marxuumka wuxuu ahaa sarkaal xilal kala duwan ka soo qabtay Soomaaliya, sidoo kale wuxuu door muhiim ah ka qaatay dib u dhiska ciidamada Puntland iyo guud ahaan ciidamada Soomaaliyeed.
Madaxda Puntland oo ugu horreeyo madaxweyne Siciid Deni ayaa tacsi u diray ummada Soomaaliyeed, eheladii iyo qoyskii uu ka geeriyooday Gen. Maxamed Cali Abokor, isagana waxay Alle u waydiiyeen dambi dhaaf.
PUNTLAND POST