Soomaaliya: Maraykanka waxaan u aragnaa saaxiib istaraatiiji ah oo muhiim ah

Wasiirka arrimaha bibadda Soomaaliya Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa maanta Muqdisho kula kulmay ku-xigeenka safiirka Maraykanka Justin Davis, waxayna ka wadahadleen xiriirka labada dalka.

Qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in labada dhinac ka wadahadleen xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, is-dhexgalka siyaasadeed, iyo isku-duwidda diblomaasiyadeed ee lagu taageerayo nabadda iyo xasilloonida dalka.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in ay Maraykanka u aragto saaxiib istaraatiiji ah oo muhiim ah, islamarkaana taageeradiisa dhinacyada amniga iyo bani’aadannimada ay weli door weyn ka qaadaneyso xasilloonida dalka iyo horumarinta hay’adaha dowliga ah.

PUNTLAND POST