Qiimaha shidaalka adduunka oo kor u kacay

Qiimaha shidaalka adduunka ayaa sare u kacay, kaddib markii dhowr markab lagu weeraray meel u dhow marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Hormuz.

Iiraan ayaa sheegtay in saddex markab oo laga kala leeyahay dalalka Ingiriiska iyo Maraykanka ay ku garaacday gantaallo, iyada oo kaga jawaabayso weerarada joogtada ah ee Maraykanka iyo Israa’iil.

Iiraan ayaa uga digtay maraakiibta in aysan soo dhaafin marin biyoodkaasi oo ay maraan qiyaastii 20% shidaalka iyo gaaska adduunka, taas oo dhalisay cabsi weyn oo dhanka ammaanka ah.

Suuqyada ganacsiga ee qaaradda Aasiya ayaa maanta oo isniin ah qiimaha shidaalka wuxuu kor u kacay in ka badan 10%, iyada oo Iiraan ay weli sii waddo duqeymaha ay ka geysaneyso Bariga Dhexe.

PUNTLAND POST