Puntland oo ruqsaddii kala noqotay shirkadda diyaaradaha Daallo

Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland ayaa ruqsaddii duulimaadyada kala noqotay shirkadda diyaaradaha Daallo.

Puntland waxay ku eedeeysay shirkadda Daallo in ay laba jeer khatar gelisay muwaadiniin iyo mas’uuliyiin reer Puntland, islamarkaana ay jebisay xeerarka iyo shuruucda duulista rayidka.

Arrintan waxay timid, xilli maanta diyaarad ay leedahay shirkadda Daallo laga celiyay garoonka diyaaradaha Garowe, taas oo siday qaar ka mid ah xildhibaanada Puntland ku matala labada aqal ee baarlamaanka Federaalka.

Sidoo kale 1-dii bishii hore ee Febraayo waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho laga celiyay wafdi Puntland ah oo la socday diyaarada Daallo, kuwaas oo ka duulay Garowe.

PUNTLAND POST