Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta hotel Jazeera ee Muqdisho kaga qeybgalay shiray yeesheen Golaha Mustaqbalka, kaas oo loogu magac-daray shirweynaha Difaaca Dastuurka Soomaaliya.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay in dastuurkii 2012 uu yahay kan keliya ee heshiiska lagu yahay, islamarkaana wax-ka-bedel kasta oo lagu sameeyo oo aan heshiis lagu aheyna uu yahay waxba kama jiraan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayuu markale uga digey wax-ka-bedel aan heshiis lagu ahayn ee lagu sameynayo dastuurka.
Sidoo kale madaxweynaha Puntland wuxuu ugu baaqay dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle in ay qabsadaan doorasho waafaqsan dastuurkooda.
PUNTLAND POST