
Shirkii madaxda Dowladd Federaalka iyo Golaha Muataqbalka ay maanta ku yeesheen xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia ayaa goordhaweyd lagu kala tagay, iyadoo aan wax isfahan ah la gaarin.
Sidoo kale ma jiro kulan kale oo lagu ballamay, waxaana labada dhinac isku mariwaayeen arrimaha doorashooyinka, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka qaybgalay shirka.
Golaha Mustaqbalka waxay ku adkaysteen in dowlad goboleedyada wakhtigooda dhaafay ay doorashooyin dadban qabsadaan, in Dowladda Federaalka ah ay qabato doorasho heshiis lagu yahay oo wakhtigeeda ku dhacda iyo in dastuurka Soomaaliya yahay kii 2012, islamarkaana aysan waxba ka jirin wax ka baddelka kasta oo lagu sameeyay.
Dhanka kale Dowladda Federaalka waxay ku adkaysatay in ay dalka ka qabanayso doorasho qof iyo cod ah oo aan dib loogu laabanayn doorasho dadban oo heer federaal iyo heer dowlad goboleed ah.
Hore ayaa loo saadaalinayay in shirkan aysan maxba ka soo baxayn, maadaama labada dhinac ay aad u kala fogaayeen oo midkasta ku adkaysanayay aragtidiisa.
PUNTLAND POST