Puntland oo ku dhawaaqday in ay berri tahay Ramadaan

Dowladda Puntland ayaa ku dhawaaqday in berri oo arbaco ah ay tahay maalinta ugu horreysa ee bisha barakeysan ee Ramadaan.

Mas’uuliyiinta wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha diinta Puntland oo ay weheliyaan qaar ka mid ah culimada ayaa goordhaweyd ku dhawaaqay in berri ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan.

Waxay sheegeen in dhalashada bisha Ramadaan laga arkay deegaanada Galdogob, Qarxis, Qardho iyo Boocame oo ka kala tirsan gobolada Mudug, Nugaal, Karkaar iyo Sool, taasoo ay ku go’aan qaateen.

Sidoo kale dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in berri oo arbaco ah ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan.

Saacado ka hor waxaa berri in ay Ramadaan tahay xaqiijiyay dalka Sucuudiga, halka dalal kale oo islaam ah ay shaaciyeen in khamiista ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan.

PUNTLAND POST