
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka soo noqday safar dibada ah ayaa maanta oo talaabo ah la kulmaya Golaha Mustaqbalka ee ku mideysan yihiin Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta.
Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu booqan doonaa xarunta Xalane oo ay degan yihiin madaxweynayaasha Puntland & Jubaland iyo xubno kale oo ka mid ah Golaha Mustaqbalka, waxayna kulan qado ah ku qaadan doonaan Decale hotel.
Lama oga waxaa ka soo bixi doona kulanka maanta oo looga hadli doono arrimo ay ka mid yihiin shirka madaxda Dowldda Federaalka & Golaha Mustaqbalka, iyo caqabadaha hortaagan qabsoomidiisa.
Madaxda Dowadda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka waxay weli isku fahmi la’ yihiin goobta uu ka dhacayo shirka, Golaha Mustaqbalka waxay doonayaan in uu ka dhaco gudaha xarunta Xalane, halka Dowladda Federaalka ay rabto in shirkaasi uu ka dhaco xarunta madaxtooyada.
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland oo muddo todobaad ah ku sugan magaalada Muqdisho ayaa hore ula kulmay Ra’iisul Wasaare Xamse iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
PUNTLAND POST