
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay labo nin oo ka tirsanaa Al-shabaab, kuwaas oo ay hore maxkamadda ciidamada xukun ugu riday.
Labada nin oo lagu toogtay magaalada Muqdisho waxaa magacyadooda lagu sheegay Xasan Cali Iftiin Buule (Gacmey) iyo Xasan Cali Ibraahim Maxamed (Baari).
Ragan waxaa loo haystay dilal iyo qaraxyo ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya.
“Xasan Cali Iftiin Buule (Gacmey) iyo Xasan Cali Ibraahim Maxamed Axmed (Baari, Biibaaye, Sacad) oo loo haystay dilal iyo qaraxyo ka dhacay caasimadda laguna guumaday muwaadiniin Soomaaliyeed ayaa laga oofiyay xadkii qisaasta ahaa ee horay ugu xukuntay maxkamadda ciidamada qalabka sida” ayaa lagu yiri qoraalka.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidaan oo kale todobaadkii hore dil toogasho ah ku fulisay labo nin oo ku eedeeysnaa Shabaabnimo iyo dilal ka dhacay magaalada Muqdisho.
PUNTLAND POST