
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa shaqo joojin ku sameeyay wasiirkii qorshaynta Daa’uud Bisinle, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan madaxtooyada Garowe.
Shaqo joojinta wasiir Daa’uud Bisle waxaa la sheegay in ay la xiriirto ku xadgudub maamul, mas’uuliyad darro iyo ku tagri-fal awoodeed, iyada oo madaxweyne ku-xigeenka Puntland uu todobaadyo ka hor ku abaalmariyay shaqo wanaag.
Labada mas’uul ayaa ka soo wada jeeda gobolka Sool, waxayna shaqo joojintan timid, xilli madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu ku sagan yahay magaalada Muqdisho.
Sanadkii 2022 waxaa Puntland ka dhacday dhacdo khilaaf abuurtay, kaddib markii madaxweyne ku-xigeenkii xilligaas Axmed Karaash uu sameeyey shaqo joojin, magacaabis iyo xilka qaadis, xilli madaxweyne Deni uu ku sugnaa Muqdisho.
PUNTLAND POST