Xamse oo la kulmay Shariif iyo Rooble

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa xalay si gooni gooni ah guryahooda ugu booqday madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaare hore Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisul Wasaare Xamse iyo madaxdii hore ee dalka waxay ka wada hadleen arrimaha gogosha wada hadalka dowladda iyo Golaha Mustaqbalka, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in gogosha dowladda ay markasta fidsantahay, albaabka madaxdana uu furanyahay, muhiimna tahay in dhinacyada lagala fariisto xal-u-halista arrimaha taagan.

Kulankii ay qaateen Ra’iisul Wasaare Xamse iyo madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaa ka qaybgalay Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Khayre oo xubin ka ah Golaha Mustaqbalka.

Kulamadan waxay yimaadeen, kadibb markii Golaha Mustaqbalka sheegeen in xarunta Xalane gaar ahaan hotel Airport laga celiyay Sheekh Shariif iyo Maxamed Xuseen Rooble oo ka qaybgeli lahaa kulan ay yeelan lahaayeen golaha.

Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda sheegtay in qaar kamid ah madaxdii hore ee dalka ay ku xadgudbeen nidaamka sugidda amniga garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

PUNTLAND POST