
Madaxweynaha dowadda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay wafdi ka socday Boqortooyada Ingiriiska oo ay hoggaaminaysay wasiiru-dowlaha arrimaha horumarinta iyo Afrika Marwo Jenny Chapman.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdiga Ingiriiska ayaa la sheegay in ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa taageerada ay dowladda Ingiriiska siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo horumarinta.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu uga mahadceliyey dowladda Ingiriiska taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada lagu xoojinayo nabadgelyada, la dagaallanka argagixisada iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee mudnaanta u leh shacabka Soomaaliyeed.
Dhankeeda, wasiiru-dowlaha arrimaha horumarinta iyo Afrika ee Boqortooyada Ingiriiska Marwo Jenny Chapman ayaa adkeeysay sida dowladda Ingiriisku ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga kala dhexeeya Soomaaliya, iyadoo xustay in ay Soomaaliya muhiimad gaar ah u leedahay xasilloonida gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda.
PUNTLAND POST