Askar laga saaray ciidan dowladda Soomaaliya

Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in tiro askar ah laga saaray ciidanka dowladda, kaddib markii lala xiriiriyay anshax-xumo, isticmaalka maandooriyaha iyo hawl-gudasho la’aan.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu yiri “waxaa shacabka Soomaaliyeed la socodsiinayaa in ay jiraan tiro askar ah oo laga saaray ciidanka sababo la xiriira anshax-xumo, isticmaalka maandooriyaha, hawl-gudasho la’aan, iyo falal kale oo ka hor imanaya sharciga iyo hab-dhaqanka ciidan”.

“Wasaaraddu waxay caddaynaysaa in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay xuquuqdooda u helaan si joogto ah, uuna yahay hay’ad qaran oo huwan sharaf, anshax, iyo u adeegidda shacabka, isla markaana aan marnaba la aqbali karin wax kasta oo dhaawacaya sumcadda ciidanka iyo kalsoonida shacabka” ayaa la raaciyay.

Wasaaraddu waxay xustay in cid kasta oo ku kacda falal wax u dhimaya anshaxa ciidanka, nabadgalyada, ama sharciga ay wajihi doonto ciqaab waafaqsan xeerarka dalka iyo kuwa ciidamada.

Wasaaradda gaashaandhigga faahfaahin kama bixin tirada askarta ciidan laga saaray iyo halka ay ka howlgeli jireen.

PUNTLAND POST