
Wasiiru dowlaha iskaashiga dhaqaalaha & horumarinta ee dowladda Jarmalka Niels Annen oo Muqdisho soo gaaray iyo safiirka dalka Jarmalka Sebastian Groth ayaa maanta la kulmay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa wafdiga Jarmalka uga warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, oo ay ka mid yihiin abaarta ba’an ee ka jirta Soomaaliya, dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab, doorashooyinka, dhammaystirka dastuurka, iyo gogosha wadahadal ee ay dowladda u fidisay Golaha Mustaqbalka.
Dhankiisa, Niels Annen, ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay qaabilaadda diirran iyo xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya labada dal, isaga oo hoosta ka xarriiqay in iskaashiga ku dhisan dano-wanaagga ee labada dowladood uu sii xoogaysanayo.
Ugu dambeyntii, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xaqiijiyay in Dowladda Soomaaliya ay doorkeeda ka qaadan doonto dadaallada xalka loogu raadinayo nabadda iyo xasiloonida adduunka marka la joogo goleyaasha caalamiga ah, gaar ahaan Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo ay Soomaaliya ka tahay xubin aan joogto ahayn.
PUNTLAND POST