
Degamada Galdogob ee gobolka Mudug waxaa maanta oo axad ah ka dhacaysa munaasabad weyn oo lagu caleemo-saarayo ugaaska guud ee beelaha Tanade Daarood (Leelkase), Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed.
Munaasabadda waxaa ka qaybgalaya wafuud kala duwan oo kala timid guud ahaa Soomaaliya, dowlad deegaanka Soomaalida iyo dibada, kuwaas oo isugu jira dhaqan, siyaasiyiin iyo qaybaha kale ee bulshada.

Madaxda ka qaybgalaysa munaasabadda waxaa ka mid ah madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, guddoomiyaha baarlamaanka Puntland, iyo wafdi ka socda dowladda federaalka oo hoggaaminayo guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Aqalka Sare senator Cabdulaahi Timacadde ayna ka mid yihiin wasiirada iyo xildhibaanada ka soo jeeda deegaanada Puntland, kuwaas oo maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha Galdogob.
Sidoo kale munaasabadda Galdogob waxaa ka qaybgalaya qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ku ah xukuumadda madaxweyne Siciid Deni.
PUNTLAND POST