Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay aqoonsiga Israa’iil siisay Somaliland

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Qaahira ee dalka Masar waxa uu wada-hadallo kula qaatay dhiggiisa Cabdulfataax Alsiisi.

Labada Madaxweyne ayaa kulankooda kaddib, waxa ay wadajir u qabteen shir jaraa’id oo ay ku soo bandhigeen muhiimadda xiriirka Soomaaliya iyo Masar ee skaashiga dhinacyada amniga, horumarka iyo aragtida wadajirka ah ee ku aaddan xasilloonida & nabadda gobolka.

“Waxaan hoosta ka wada xarriiqnay in dhowrista madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya. Tallaabooyinka sharci-darrada ah ee Israa’iil qaaday ee ku aaddan aqoonsiga gobolka Waqooyi ee Soomaaliya ee Somaliland, waxay jebinayaan qawaaniinta dagsan ee caalamiga ah, Axdiyada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, waxayna halis u yihiin inay sii hurriyaan xiisadaha, iyagoo abuuraya fursado ay ka faa’iideystaan kooxaha xagjirka ah ee ka macaasha xasillooni-darrada” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaabuga mahadceliyey Madaxweynaha Masar soodhoweynta diirran iyo doorka muuqda ee ay dowladdiisu ka qaadanayso taageerada midnimada, madax-bannaanida, iyo dhismaha hay’adaha dowladeed ee Soomaaliya, waxa uuna xusay in taageeradaas ay tahay mid ay si weyn u qaddariyaan shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Madaxweynaha Masar Cabdulfataax Alsiisi ayaa adkeeyay ixtiraamka madax-bannaanida, wadajirka dhuleed iyo faragelin la’aanta arrimaha gudaha ee Soomaaliya, isaga oo xusay muhiimadda istaraatiijiga ah ee horumarka iyo xasilloonida Soomaaliya.

PUNTLAND POST