
Ciidamo cusub oo ka tirsan Booliska Puntland ayaa lagu wareejijay guud ahaan amniga gobolka Mudug, kuwaas oo oo isugu jira ciidamo dhawaan tababar ku soo kala qaatay xerada Xorgoble ee Qardho iyo kulliyadda Carmo.
Ciidamadan ayaa la geeyay todobada degmo gobolka Mudug ee Puntland, waxayna la wareegeen dhammaan saldhigyada, rugaha iyo baraha kantaroolada Booliska ee gobolka.
Ujeedada ciidamadan loo geeyay Mudug ayaa lagu sheegay in ay wax ka qabtaan xaaladda amni ee gobolka oo ay ka mid tahay magaalada Gaalkacyo, iyo sidoo kale in dib loo tababaro ciidamadii booliska ee hore uga shaqaynayay gobolka.
PUNTLAND POST