
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta shirka golaha wasiirrada ka sheegay in ay cid kasta oo aragti siyaasadeed haysa ay u furan tahay gogosha wadahadal ee taalla magaalada Muqdisho, taas oo awal loogu yeedhay Golaha Mustaqbalka.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa intaasi ku daray in ay dhammaystirayaan dastuurka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya oo uu xusay in ay keliya hor istaageen xildhibaanno tiro yar, sida ay tilmaameen ilo wareedyada shirka.
Ma cadda in tani tahay isbeddel rasmi ah oo dowladda federaalka ku samaynayso gogosha wadahadalka, balse mucaaradka Muqdisho, Puntland iyo Jubbaland ayaa qorsheeyay in ay tagaan caasimadda Muqdisho todobaadka soo socda, kaddib cadaadis iyaga iyo madaxda federaalka uga yimid Beesha Baalamka.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa dhowr jeer ugu baaqay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu gebi ahaanba joojiyo wax ka baddelka dastuurka kumeel gaarka ah ee dalka, hase ahaatee waxaa la dardargeliyay sii wadida qodobkaas.
PUNTLAND POST