
Garoonka diyaaradaha magaalada Garowe waxaa goordhaweyd dib ugu soo laabatay diyaarad saaka qaaday ciidamo ka tirsan ilaalada madaxweynaha Puntland, taas oo loo diiday in ay ka degto magaalada Muqdisho.
Ciidamada gaarka ah ee Haramacad oo ka tirsan Booliska Soomaaliya oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in aan wax ciidamo ah lala soo geli karin magaalada Muqdisho.
“Muqdisho waa amaaan, wax ciidan ah oo lala soo gali karo malahan. Madaxwaynaha Qaranka ayaa joojiyay in hub culus uu caasimadda ku dhexqaato, cidkalana laga yeeli maayo” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay ciidamada Haramacad.
Sidoo kale Dowladda Federaalka waxay hawada ka celisay diyaarad siday ciidamo ka tirsan ilaalada madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo saaka ka soo qaaday magaalada Kismaayo.
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa qorshuhu ahaa in ay maalinta berri ah tagaan magaalada Muqdisho, si ay uga qaybgalaan shirka madaxda Dowldda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
PUNTLAND POST