Puntland oo baddeshay “taatikada” dagaalka Calmiskaad

Afhayeenka howlgalka Hillaac Gen. Maxamuud Maxamed Axmed (Faadhigo) ayaa sheegay in la baddelay taatikada dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Gen. Faadhigo wuxuu tilmaamay in la go’doomiyay kooxda Daacish ee dhuumalaysanaysa buuraha, islamarkaana la joojiyay dagaalkii ka fool ka fool ka ahaa ee la soo waday muddada hal ka sano.

“Ciidamadii hore ee dagaalka hal ka sano ku jiray waa la soo rogay, waxaana la geliyay guutada Afmeer oo baddeshay taatikadii dagaalka, maadaama wax yar ka hartay kooxdaas waa la go’doomiyay, muddo labo bilood ah ayay hadda socotaa go’doomintaas” ayuu yiri Gen. Faadhigo.

Wuxuu intaas ku daray in go’doomintaasi sababtay in ay isa soo dhiibaan xubno badan oo ajaaniib ah oo u badan Yamaniyiin iyo Itoobiyaan.

Afhayeenka howlgalka ayaa sheegay in xogtii ugu dambeesay ee laga helo kooxdaas ay tilmaamayso in ay maxastooda gaysteen deegaanka Wangable oo u dhow degmada Qandala, isagoo muujiyay rajo laga qabo in ay isa soo wada dhiibaan.

PUNTLAND POST