
Madaxtooyada Jubaland ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in dagaalkii ka dhacay jasiirada kudhaa ee degmada Badhaadhe lagu dilay 250 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-shabaab.
Sidoo kale Jubaland waxay xustay in ay gacanta ku hayso 13 xubnood oo kooxdaas ka tirsan, kuwaas oo intooda badan qaba dhaawacyo kala duwan.
Jubaland waxay tilmaantay in ciidamadeeda iyo kuwa Danab ay weli howdka degmada Badhaadhe kula dagaalamayaan qayb ka mid ah Al-shabaab ka baxsaday Kudhaa.

PUNTLAND POST