Laascaanood: Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan iyo Suldaan Garaase

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay magaalada Laascaanood kulan kula qaatay qaar ka mid ah isimada dhaqanka Puntland, kuwaas oo ka qaybgalay caleema-saarkii madaxda Waqooyi Bari.

Isimada uu la kulmay madaxweyne Xasan Sheekh waxaa hoggaaminayay Boqor Burhaan Boqor Muuse, waxaana ka mid ahaa Suldaan Siciid Maxamed Garaase.

Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu isimada kala hadlay midnimada dalka iyo xoojinta nabadda, iyaguna ku boggaadiyeen dhismaha maamulka Waqooyi Bari.

Kulanka waxaa ka qaybgalay wasiirka arrimaha gudaha Cali Yuusuf Cali Xoosh, wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Maxamed Faarax Nuux, taliyaha ciidanka booliska Gen. Asad Diyaano, Gen. Jimcaale Jamaac Takar iyo siyaasi Xasan Shire Abgaal.

PUNTLAND POST