Puntland oo war ka soo saartay go’aanka golaha wasiirrada Soomaaliya

Dowladda Puntland ayaa sharci darro aan wax saameyn ah ku yeelanayn ku tilmaantay go’aanka golaha wasiirrada Soomaaliya ku joojiyeen dhammaan heshiisyadii ay hore u wada galeen Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Hadal qoraal ah oo ay soo saartay Puntland ayay ku sheegtay in ay iyadu leedahay mas’uuliyadda ilaalinta, laalista iyo wax ka baddelka heshiisyada amni iyo horumarineed ee ay kula jirto shirkadaha iyo dowladaha shisheeye ee ka howlgala deegaannadeeda.

Puntland waxay xustay in heshiiyadaas qaar ka mid ah ay gacan ka gaystaan la dagaalanka kooxaha argagixisada ah ee Daacish & Al-shabaab, iyo sidoo kale la dagaalanka burcad-badeeda Soomaaliya ee halista ku ah adduunka.

PUNTLAND POST