
London (Wararka PP) — Ra’iisal Wasariihii hore ee Biritayn Rishi Sunak ayaa soo jeediyay in Biritayn u baahan awood adag si ay dahaneeda u ilaashato. “Waxaannu maraynayaa xilli halis badan oo sidoo kale ay isbeddello horumarineed oo waaweyn dhici karaan. Nabaddii Maraykanku (Pax Americana) dhowri jiray meesha way ka baxday, sidoo kalena habkii kala-dambaynta dunidu ku dhaqmaysay” ayuu Rishi ku qoray wargeyska The Times.
Wuxuu ku dooday in Shiinuhu yahay la-tartame ka awood badan Midowgii Soofiyeeti waayo wuxuu la falgalay dhaqaalaha adduunka. “70% dalalka adduunka ayaa la ganacsada Shiinaha waana tiro ka badan dalalka la ganacsada Maraykaka; sanadkii 2001 80% dalalka adduunka ayaa la ganacsan jiray Maraykanka oo waxay ahayd tiro ka badan tirada dalalka markaas la ganacsan jiray Shiinaha” ayuu Rishi qoray.

Mar uu tilmaamayay burburka ku dhacay habka kala dambaynta ee adduunka, Rishi wuxuu tusaale u soo qaatay hanjabaadda Maraykanku u soo jeediyay Denmark si uu u qabsado Greenland. “Haddii dal bahwadaag la ah Maraykanka oo labo jeer dagaalka kala galay Afgaanistaan iyo Ciraaq sidaas loogu hanjabo, yaa isu arki kara inuu badqabo?” ayuu Rishi qoray.
Wuxuu intaas ku daray in Ruushka, Shiinaha, Iiraan iyo Waqooyiga Kuuriya ay dhinac ka soo wada jeedaan halka Yurub ay ku jirto hoos u dhac, “in dalalka Khaliijka iyo Hindiya koboc dhaqaale ay sameeyeen oo aysan labada dhinac dhinacna la jirin oo ay eegayaan waxa socda.”
© Puntland Post, 2026