
Dowladda Hindiya ayaa ka hortimid go’aanka Israa’iil ku aqoonsatay maamulka Somaliland, iyada oo taageertay madaxbannaanida dad iyo dhuleed ee Soomaaliya.
Afhayeenka wasaaradda Arrimaha dibadda Hindiya Randhir Jaiswal oo shir jaraa’id qabtay ayaa shaaciyay mowqifka Hindiya, isaga oo sheegay in xiriir taariikhi ah uu ka dhexeeyo Soomaaliya iyo Hindiya.
“Waxaan sii adkaynaynaa muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed Soomaaliya” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya Randhir Jaiswal.
PUNTLAND POST