Maleeshiyo muddo todobaad ka badan haysata xarunta degmada Gaalkacyo

Maleeshiyo hubaysan ayaa muddo todobaad ka badan haysata xarunta dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo ee Puntland, kuwaas oo sheegaya in ay lacag ku leeyihiin qaar ka mid ah mas’uuliyiinta degmada.

Maamulka degmada Gaalkacyo ayaa dhankooda sharci darro ku tilmaamay lacagta ay sheeganayaan kooxdaas, iyaga oo dowladda dhexe ee Puntland ka codsday ciidamo lagu sugo amniga xaruntaas, laguna soo celiyo kala dambeynta iyo sharciga.

Muddada kooxda hubaysan haysato xarunta degmada Gaalkacyo waxaa hakad galay badi shaqooyinka muhiimka ah ee degmadaas, waxaana mas’uuliyiinta qaarkood ku shaqeeyaan guryadooda.

Muddo dheer waxaa degmada Gaalkacyo ka jiray is-qab-qabsi maamul oo sababay in ay is-casilaaan mas’uuliyiin badan kuwana xilka laga qaado, iyada oo aysan waxba ka baddelin mushkiladdaas doorashadii qof iyo cod ee ka dhacday 2023.

PUNTLAND POST