Xubno ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo shirar uga socdaan Garowe

Guddida farsamada ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa ku sugan magaalada Garowe ee xarunta Puntland, kuwaas oo la sheegay in ay dejinayaan istaraatiijiyadda iyo qorshayaasha ay ku wajahayaan xilliga kala-guurka dalka.

Guddiga farsamada Golaha Mustaqbalka waxay ka kooban yihiin lix xubnood oo kala ah, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanad, Caarshe Maxamed Siciid, xildhibaan Cabdirashiid Jire, Saahid Qodhob, Cabdilaahi Xaaji Abuukar iyo Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi).

Dhawaan ayaa lagu wadaa in Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ka kooban Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta ee Muqdisho ay shir ku yeeshaan magaalada Garowe, kaas oo ay ugu arrinsanayaan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa shirkoodii magaalada Kismaayo ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh in uu muddo bil gudaheed ah isugu yeero saamileyda siyaasadeed ee dalka, si loo gaaro heshiiyo doorasho, balse ma muutaqo isu soo dhawaansho u dhexeeya labada dhinac, inkastoo madaxweyne Xasan Sheekh aqbalay wadahadal.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya waxay hore u sheegeen in aysan aqbalayn muddo kororsi ay sameystaan goleyaasha dowladda federaalka ah, iyaga oo xusay haddii taas la isku dayo in ay bilaabayaan sidii loo qaban lahaa doorasho.

Golaha Mustaqbalka waxay ku kala aragti duwan yihiin go’aanka Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland, Madasha Samatabixinta waa cambaareeyeen, halka Puntland iyo Jubaland ay weli ka aamusan yihiin.

PUNTLAND POST