
Hoggaamiyaha kooxda Xuutiyiinta ee Yemen Cabdimalik Al-Xuuti ayaa sheegay in ay beegsan doonaan joogitaan kasta oo Israa’iil ku yeelato dhulka Soomaaliya.
“Waxaan u aragnaa joogitaan kasta oo Israa’iil ku yeelato dhulka Soomaaliya in uu yahay bartilmaameed sharci ah, waxaana beegsan doona ciidankeenna” ayuu yiri Cabdimalik Al-Xuuti.
Hanjabaada Xuutiyiinta ayaa ku soo aaday, iyadoo warbaahinta Israa’iil ay saacadihii la soo dhaafay tabiyeen in xiriirka Israa’iil iyo Somaliland uu fududeynayo howlgallo cirka ah oo laga fuliyo gudaha Yemen.
PUNTLAND POST