
Midowga Yurub ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in uu taageersan yahay midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Midowga Yurub wuxuu ku boorriyay dowladda federaalka iyo maamulka Somaliland in ay yeeshaan wadahadal macno leh, si xal waara loogu helo khilaafaadka soo jireenka ah.
Wuxuu intaas ku daray in nabadda iyo xasiloonida Geeska Afrika ay ku xiran tahay iska ilaalinta faragelinta dhuleed iyo ixtiraamka sharciga caalamiga ah.
Dalal badan oo caalamka ka mid ah iyo ururro caalami ah ayaa diiday go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay maamulka Somaliland, kuwaas oo sheegay in ay taageersan yihiin midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
PUNTLAND POST