
Garoowe (Faallo PP) — Maalin kaddib markii Israa’iil u aqoonsatay Maamulka Somaliland dal xaq u leh aaya-ka-talin, waxaa soo baxaya in aqoonsigu kala kulmay diidmo Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta. Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub ayaa dhowaan soo saari doona mowqif ay ku taageerayaan midnimada dhuleed iyo siyaasadeed ee Soomaaliya.
Madaxweyne Donald Trump ayaa si cad uga hor yimid aqoonsiga uu Benjamin Netanyahu ku tilmaamay inuu qeyb ka yahay heshiis lagu tilmaamo Abraham Accords. “Gaza ayaan mudnaanta siinayaa; ma aqoonsanayo Somaliland” ayuu u sheegay wargeyska New York Post.


Aqoonsi la helo macnaheedu ma aha kursi lagu yeesho Qaramada Midoobay. Falastiin waxaa aqoonsaday in ka badan 130 dal; Kosoofo 110 dal baa aqoonsaday. Dalka Shiinaha ayaa ka hor yimid aqoonsiga ay Israa’iil siisay maamulka Somaliland oo xiriir dhow la leh Taiwan.


Madaxweynihii hore ee maamulka Somaliland Muuse Biixi weli si rasmi ah uguma hambalyaynin madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo filaya inuu dhowaan booqasho ku tago Qudus oo ku jirta gacanta Israa’iil.

Marka aqoonsi la siiyay dhul uu helo taageerada shanta dal oo leh diidmada qayaxan (Veto power) uun buu dhulkaas noqdaa dal xubin ka Qaramada Midoobay.
© Puntland Post, 2025