
Dowladda Israa’iil ayaa dowlad madax bannaan u aqoonsatay Somaliland, sida uu maanta ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.
Aqoonsiga wuxuu yimid, kaddib markii ay khadka fogaan-aragga ku wada hadleen madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.
Kulanka ayaa lagu gaaray is-afgarad siyaasadeed, diblomaasiyadeed iyo istiraatiiji, iyada oo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu madaxweynaha Somaliland u fidiyey booqasho uu ku yimaado Tel Aviv.
PUNTLAND POST