
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa isku raacay in muddada loo kordhiyo Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), lana gaarsiiyo ilaa 31-ka Diseembar 2026.
AUSSOM ayaa ah howlgal nabad ilaalineed oo hoostaga Midowga Afrika, kaas oo loo aasaasay taageerada kala guurka amniga Soomaaliya, xasillinta dalka iyo la dagaallanka Al-shabaab.
Sidoo kale Golaha Ammaanka ayaa go’aamiyay in Hawlgalka Kaalmada Kumeelgaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) albaabada la isugu dhufto bisha Oktoobar ee sanadka dambe.
Go’aankan ayaa ka dhigan in UNTMIS ay sii wadi doonto taageerada caalamiga ah ee amniga iyo siyaasadda Soomaaliya, iyadoo dhanka kalena la sii ambaqaadayo sidii ay Soomaaliya si buuxda ula wareegi lahayd maamulka iyo xasilloonida dalka.
UNTMISS ayaa ah xafiiska hoggaamiya howlaha siyaasadda iyo amniga ee wakiilka ka ah Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.
PUNTLAND POST