
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo wax ka baddalka dastuurka.
Farmaajo ayaa sheegay in uu ka soo horjeedo oo ka digayo muddo kororsi aan sharciyad haysan oo loo sameeyo hay’adaha Dowladda Federaalka, doorasho hal dhinac ah iyo in la iska garab dhiso labo dowladood oo labo dastuur kala wata.
Madaxweyne hore Farmaajo wuxuu ugu baaqay hoggaanka talada dalka haya in ay dib uga laabtaan wax ka baddalka dastuurka, islamarkaana ay ogolaadaan in loo maro waddo sharci oo ay dhammaan qayb ka yihiin dhinacyada kala duwan ee Soomaalida.
Farmaajo wuxuu sheegay in wadada kaliya ee khilaafka arrimaha masiiriga ah lagu xallin karo ay tahay wadahadal iyo isqancin, isaga oo tilmaamay in uu soo dhawaynayo cidkasta oo ku howlan dadaal xal loogu raadinayo ismari-waaga taagan.




PUNTLAND POST