Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Iimaan Suudi Ducaalle ayaa dib u soo celiyay lacag dowladeed oo uu 35 sano ka hor sheegay in uu si khalad ah u isticmaalay.
Iimaan Suudi Ducaalle oo ku nool dalka Belguim ayaa lacag u dhiganta shan kun oo doolar ($5,000) ku wareejiyay safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya dalalka Benelux iyo Midowga Yurub, Khadiijo Cosobe Cali.
Iimaan wuxuu sheegay in lacagtaas ay si khaldan u gashay xilligii dawladdii kacaanka ee Maxamed Siyaad Barre oo uu ka shaqeyn jiray dekedda magaalada Muqdisho, gaar ahaan qeybta howlaha maraakiibta, halkaas oo uu ka joogay xafiis lacageed.
Safiir Khadiijo Cosoble ayaa ku wareejisay lacagtaas waaxda dhismaha ee safaarada, iyadoo si weyn ugu mahad celisay Iimaan Suudi Ducaalle tallaabada wanaagsan ee uu qaaday.
PUNTLAND POST