
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa duulimaadyada, waxbarashada iyo isku-socodka dadka & gaadiidka magaalada Muqdisho hakisay maalinta khamiista ee todobaadkan oo loo muddeeyey doorashada qof iyo cod ee gobolka Banaadir.
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa soo saartay qoraal lagu shaaciyay in si buuxda loo xirayo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho maalinta khamiista, oo ku beegan 25-ka Diseembar.
Hay’addu waxay sheegtay in hakinta shaqada garoonka ay la xiriirto doorashada la filayo in ay ka dhacdo magaalada Muqdisho maalintaas, taas oo u baahan diyaar-garow amni iyo maamul oo gaar ah.
Sidoo kale Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa hore u soo saartay go’aan la mid ah, kaasi oo lagu hakiyay dhamaan dugsiyada waxbarashada dalka maalinta Khamiista, sababo la xiriira isla doorashadaas.
Dhanka kale Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in maalinta khamiista la xiri doono wadooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, iyadoo la adkeyn doono amniga guud ee caasimadda.
Mucaaradka dowladda iyo dowlad goboleedyada Puntald iyo Jubaland ayaa qaadacay doorashada qof iyo cod ee gobolka Banaadir, kuwaas oo ku sheegay mid hal dhinac ah.
PUNTLAND POST