
Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen. Muumin Cabdi Shire ayaa taliye iyo taliye ku-xigeen cusub u magacaabay laanta dembi-baarista (CID) ee gobolka Mudug.
Taliye Muumin ayaa L/X/LE Ayuub Cabdikariin Faarax u magacaabay taliyaha dembi-baarista gobolka Mudug, halka uu taliye ku-xigeenka u magacaabay X/LE Axmed Xasan Axmed.
Magacaabistan ayaa timid, xilli warar soo baxayay ay sheegayeen in taliyihii hore ee dembi-baarista gobolka Mudug iyo saraakiil kale ay shaqada ka tageen oo aadeen Muqdisho.
PUNTLAND POST