
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay mucaaradka ku shirsan Kismaayo in ay la yimaadaan wax uu ku tilaamay “wax la fahmi karo”, isaga oo sheegay in uu diyaar u yahay tanaasul.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta hadal ka jeediyay munaasabad ka dhacday Muqdisho ayaa yiri “walaalaha Kismaayo waxaan leeyahay haddaa isku timaadeen tashada ra’yi la imaada, lama aadi karo Kismaayo oo diyaaradaha ka xira ma lihin, laakiin wax la fahmi karo oo umadda Soomaaliyeed fahmi karto la imaada, tanaasul ayaan diyaar u nahay”.
Wuxuu intaas raaciyay “ma garanayo caqliga hoteel Jasiira soo degi waayay ee marka Kismaayo la tago soo degaya. Qofku intuu hadlayo waa xor, laakiin maalintii qori soo qaato gacantaa laga qabanayaa”.
PUNTLAND POST