Akhriso: War-murtiyeed ka soo baxay shirkii Kismaayo

SHIRWEYNAHA AAYO-KATASHIGA SOOMAALIYEED

WAR MURTIYEED

KISMAAYO, 20 DECEMBER 2025

Shirweynaha aayo-katashiga Soomaaliyeed oo ay isugu yimaadeen Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, mudanayaal ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Siyaasiyiin horay xilal kala duwan uga soo qabtay Dalka iyo qaar ka mid ah ururada bulshada rayidka ah oo socday 18 – 20kii December 2025 ayaa diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed, amni, dhaqaale iyo bani’aadanimo ee Dalka Soomaaliya.

Shirweynuhu wuxuu warbixino ka dhagaystay ka qaybgalayaasha iyo masuuliyiin xogogaal u ah xaaladda Dalka. Warbixinada oo ahaa kuwo walaac weyn leh ayaa caddeeyey in maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku fashilmay siyaasaddii, amnigii iyo horumarintii Dalka, isagoo la yimid siyaasad lagu kala qaybinayo, laguna kala irdhaynayo shacabka Soomaaliyeed. Shirweynuhu wuxuu isku raacay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu bedelay Dastuurkii Dalka, afduubay hay’adihii dastuuriga ahaa ee dheelitiri lahaa awoodda laanta fulinta, ogolaadayna in qaar ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah DFS ay muddo dhaaf xileed iskaga joogaan madaxtinimada, taasoo ugub ku ah siyaasadda Dalka.

Shirweynuhu wuuxuu kaloo isku raacay in Madaxweynuhu uu dayacay ammaankii Dalka, isagoo gebi ahaanba joojiyey dagaalkii lagula jiray argagixisada Al-shabaab, ciidankii xoogga Dalkana u loogay cadowga. Siyaasad xumida Madaxweynaha iyo xukuumaddiisu waxay sababtay fashil amni iyo in ay dhuntay kala dambeyntii, niyaddii iyo caqiidadii dagaal ee ciidanka taasoo ay sabab u tahay musuq, eex iyo ku takrifal awoodeed oo lagula kacay ciidanka. Waxaa kaloo uu maamulka Madaxweyne Xasan Dalka u horseeday burbur dhaqaale iyo xaalad bani’aadanimo oo ka dhalatay musuqa baahsan, barakicinta danyarta, xaraashka dhulka dowladda, niyad jebinta maalgeliyayaasha gudaha iyo dibedda, taasoo keentay in dad badan ay hantidooda Dalka kala baxaan, kuwana ay ku hanti beelaan.

Haddaba markii uu shirku dhagaystay, kana xaajooday xaaladda Dalku ku sugan yahay iyo halista siyaasadeed, amni iyo dhaqaale wuxuu go’aansaday:

1. In shirweynuhu uu mudnaanta koowaad siinayo midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, kana hortagayo wax kasta oo dhaawacaya midnimada Dalka iyo dadka.

2. In meel looga soo wada jeesto, la iskana kaashado sidii Dalka looga badbaadin lahaa firaaq dastuuri ah, hubanti la’aan syaasadeed iyo halista cadowga argagixisada ee Al-shabaab iyo Daacish.

3. In heshiiska bulsho ee dowlad dhiska Soomaaliya uu saldhig u yahay dastuurka kumeel gaarka ah ee 2012-kii, wax ka bedelka halka dhinac ah ee Madaxweynaha JFS ku sameeyey dastuurkana uu yahay waxba kama jiraan, ujeedkiisuna yahay mid gurracan oo lagu kala geynayo Ummadda Soomaaliyeed.

4. Shirweynuhu wuxuu hoosta ka xariiqayaa in muddo xilleedka Goleyaasha Baarlamaanka uu ku egyahay 14ka April 2026, halka uu kan Madaxweynuhuna ku egyahay 15ka May 2026. Shirweynuhu marna ma aqbalayo wax muddo kordhin ah ee hay’adaha dastuuriga ah, maadaama ay abuurayso xasilooni darro siyaasadeed, firaaq dastuuri ah iyo qalalaase amni.

5. Shirweynuhu wuuxuu diyaar u yahay in uu Madaxweyne Xasan Sheekh kala xaajoodo sidii Dalka looga qaban lahaa doorasho heshiis lagu yahay, daahfuran, ka horumarsan doorashadii 2022, hufan, xoojinaysa matelaadda degaanada iyo sharciyadda Xildhibaanka, guddiga doorashaduna uu noqdo mid heshiis lagu yahay, kuna qabsoonta xilligeeda.

6. Shirweynuhu wuxuu ugu baaqayaa Madaxweyne Xasan Sheekh in uu muddo bil gudaheed ah oo ku eg 20ka January 2026 isugu yeero saamileyda siyaasadeed ee Dalka si looga heshiiyo doorasho xilligeeda ku dhacda oo waafaqsan mabaadii’da ku xusan qodobka 5aad.

7. Shirweynuhu wuxuu isku raacay in haddii Madaxweynuhu iska dhegatiro baaqa kor ku xusan uu Golaha Mustaqbalka gudagalo sidii loo qaban lahaa doorasho looga hortagayo firaaq dastuuri ah, qalalaase amni iyo halista argagixisada.

8. Shirweynuhu wuxuu u arkaa doorashada ka socota Gobolka Banaadir in ay tahay doorasho hal koox wadato, laguna kala qaybinayo shacabka gobolka Banaadir, xaqoodana lagu duudsiinayo maadaama aan heshiis laga ahayn maqaamka caasimadda, taasina ay hareer marsan tahay Dastuurka kumeel gaarka ah iyo qawaaniinta kale ee Dalka.

9. Shirweynuhu wuxuu ugu baaqayaa Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkoodii dhaafay in ay qabtaan doorashooyinka hay’adahooda dastuuriga ah si waafaqsan dastuurada iyo xeerarka doorasho ee u degsan.

10. Shirweynuhu wuuxuu la dareen yahay dadka danyarta ah ee la barakiciyey, looguna awood sheegtay ciidankii Dalka, wuxuuna cambaareynayaa Madaxda dowladda federaalka ee Ciidamada amniga u adeegsanaysa barakicinta dadka danyarta ah halkii ay ka daryeeli lahaayeen. Shirweynuhu wuxuu ugu baaqayaa Madaxda Dowladda Federaalku in ay si deg deg ah u joojiyaan barakicinta shacabka, xaraashka iyo boobka hantida Qaranka.

11. Shirweynuhu wuxuu ka digayaa caburinta iyo xad gudubka joogtada ah ee DFS ay ku hayso saxaafadda madaxa bannaan iyo ururada bulshada rayidka ah. Sidoo kalena la joojiyo Jaamacadaha iyo iskuulaadka lagu qasbayo in ay ka qaybgalaan doorashada kooxda Madaxweynaha ka wado qaybo ka mid ah Gobolka Banaadir. Waxaa kaloo shirweynuhu dalbanayaa in la joojiyo siyaasadeynta duulimaadyada rayidka ah iyo adeegyada socdaalka.

12. Shirweynuhu wuxuu bogaadinayaa Ciidamada kala duwan ee Soomaaliyeed ee naftooda u huraya difaaca Dalka, furimahana kula dagaalamaya cadowga Argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish.

13. Shirweynuhu wuxuu garawsanyahay dhibaatooyinka siyaasadeed, dhaqaale, amni iyo bani’aadanimo ee ay shacabka Soomaaliyeed wajahayaan, wuxuu kaloo walwal ka qabaa cadaadiska iyo faquuqa lagu beegsanayo shacabka Soomaaliyeed ee qurbaha iyo kuwa maalgashaday dalalka shisheeye. Haddaba, Shirweynuhu wuxuu Golaha Mustaqbalka u soo jeedinayaa in ay masuuliyad iyo xil iska saarayaan, waddo kastana u maraan in shacabka Soomaaliyeed ay helaan mustaqbal wanaagsan. Shirweynuhu wuxuu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in ay ku baraarugaan xaaladda adag ee Dalka iyo dadkuba marayo, Golaha Mustaqbalkana ku garabsiiyaan sidii looga miradhalin lahaa dadaalada wax ku oolka ah ee Dalka lagu samatabixinayo.

14. Shirweynuhu wuxuu ugu baaqayaa Dowladda Federaalka ah, iyo dowladaha xubnaha ka ah, Culimada, Ganacsatada, Jaaliyadaha iyo hay’adaha samafalka ka shaqeeya in ay gurmad deg deg ah la gaaraan dadka ay sida ba’an u saameysay abaaraha ka jira Dalka.

15. Shirweynuhu wuxuu Beesha Caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya uga mahad celinayaa taageerada baaxadda leh ee ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaliyeed. Waxaana sidoo kale lagu diirigalinayaa in ay qayb ka qaataan dadaalada loogu jiro qabsoomidda doorasho lays la ogol yahay oo waqtigeeda ku dhacda.

16. Shirweynuhu wuxuu Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed uga mahad celinayaa talada iyo meel marinta qabsoomidda Shirweynaha aayo-katashiga Kismaayo.

17. Ugu dambeyntii, Shirweynuhu wuxuu uga mahad celinayaa Dowladda iyo Shacabka Jubaland soo dhaweynta iyo martigelinta aadka u heer sarreysa ee ay u fidiyeen Martida iyo qabsoomidda Shirweynaha.

===DHAMMAAD===

FAAFINTA: PUNTLAND POST