Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya?

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo safar hal maalin ah ku tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya, kor u qaadista iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda iyo arrimaha gobolka, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii ambaqaadidda wada-shaqeynta labada dhinac, si loo xaqiijiyo xasilloonida Geeska Afrika.

PUNTLAND POST