Axmed Madoobe oo ka dayriyay amniga Soomaaliya

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa xaaladda amniga magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya ku tilmaamay mid khatar ah oo saameyn doonta dalalka deriska.

Axmed Madoobe oo shalay ha madal ka jeediyay furitaanka shirka mucaaradka ee Kismaayo ayaa sheegay in Al-shabaab ay xilligan ugu awood badan yihiin, islamarkaana awoodaan in ay waxay doonaan ka sameeyaan maagaalooyinka waaweyn ee dalka.

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho oo xaaladeedu soo hagaagaysay sanadihii ugu dambeeyay ayuu Axmed Madoobe ku tilmaamay mid dayac amni iyo burbur ka jiro.

Wuxuu tilmaamay haddii xaaladu sidaas ku sii socoto in ay amni darrada Soomaaliya saameyn doonto dowladaha ku yalla geeska Afrika oo dhan, sida uu hadalka u dhigay.

PUNTLAND POST