
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo, halkaas oo maanta galinka dambe uu ka furmayo shirka mucaaradka Soomaaliya.
Madaxweyne hore Sheekh Shariif iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin uu horkayay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.
Sidoo kale waxaa maanta Kismaayo ka degay wafdi kale uu hoggaaminayo xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble oo ka soo kicitimay magaalada Muqdisho.

Shirka Kismaayo oo la sheegay in uu socon doono muddo saddex berri ah waxaa looga hadlayaa dhammeystirka qaab-dhismeedka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta.
Waxa kale oo shirka looga arrinsanayaa xaaladda kala guurka ah ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka oo Dowladda Federaalka ku adkaysanayso in ay ku dhacayso qof iyo cod.
Shirkan waxaa diiday in uu ka qaybgalo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo ka mid ah mucaaradka dowladda Xasan Sheekh Maxamuud.
PUNTLAND POST