
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in senator Ilyas Badal Gaboose oo ka tirsan Aaqalka Sare uu ku xiran yahay magaalada Kismaayo ee xarunta ku meelgaarka ah ee Jubaland.
Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya Cabdilaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa sheegay in senator Ilyaas Gaboose uu muddo ka badan hal sano u xiran yahay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.
“Sanad iyo wax la jira ayaa senator Ilyaas Badal Gaboose ku xiran yahay guriga Axmed Madoobe, mas’uuliyiinta Kismaayo aaday ee leh dimuqraadiyad iyo dowladnimo baan raadinaynaa may dhahaan ninkan haddaad dowlad tahay muxuu u xiran yahay” ayuu yiri wasiir Fartaag.
Waa markii ugu horreysay oo dowladda Soomaaliya ay ka hadasho xariga senator Ilyaas Gaboose, iyadoo bishii Oktoobar ee sanadkan uu madxweyne Xasan Sheekh tagay magaalada Kismaayo.
Senator Ilyas Badal Gaboose ayaa dhammaadkii sanadkii 2024 sheegtay in loo doortay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland, markaas oo ay Jubaland ka jirtay doorasho lagu muransan yahay.
PUNTLAND POST